Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
jeudi 27 mai 2010
Faysal Cali-waarabe iyo wefti uu hoggaaminayey oo si la Yaable loogu soo dhaweeyey magaalooyinka
Faysal Cali-waarabe iyo wefti uu hoggaaminayey oo si la Yaable loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale & Ciidamo boolis ah oo la duldhigay hudheelkii uu ku degay
Wajaale (DigaaleNews)-Dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley, ayaa soo dhaweyn baaxad leh oo aan loo kala hadhin ku qaabiley Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo wefti culus oo uu hoggaaminayey, kuwaas oo kormeer-hawleed shalay ku soo maray deegaannadaasi.
Eng. Faysal Cali-waraabe iyo weftigiisa oo ay xubno ka ahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee UCID Md. Aadan Mire Waqaf, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Md. Aadan Fag-fagaash, Xoghayaha Guud ee UCID Md. Muuse Xaaji Muxumed Guuleed (Muuse Inji) iyo Guddoomiyaha Ololaha doorashada madaxtooyadda Dr. Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox) oo toddobaadkan xilkaasi loo magacaabay iyto masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan, ayaa shalay gaadhay magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale,kadib markii ay ka ambabaxeen magalada Gabiley oo ay habeen hore u hoyden.
Hadaba waxa soo dhaweynta iyo booqashada weftiga UCID ee magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale warbixin ka diyaariyey weriye Najax Aadan Cunaaye oo ka tirsan shabakada Hadhwanaagnews oo weftiga ku wehelinayey booqashadooda, warbixintaasi oo faahfaahsana waxay u qornayd sidan;
“Guddoomiyaha xisbiga UCID oo lugtiisii koowaad waxa uu ka bilaabay magaalada Kala baydh, isaga oo halkaasi kala hadlay dadweyne aad u tiro badan oo ku soo xoomay markii ay arkeen hugunka gaadiidka Guddoomiyaha galbinayey.
Eng.Faysal Cali-waraabe oo la hadlayay dadkii soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay waxa uu tilmaamay in haddii uu doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay 26 June dalka ka dhacdo ku guulaysto uu wax ka qaban doono waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto, isla markaana ay ka gaabisay xukuumadu.
Intaa ka dib waxa Guddoomiyaha iyo weftigiisu u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Waajale, iyada oo ay duleedka magalada kaga horyimaadeen dadweyne aad u fara badan, waxaana loo galbiyey dhinaca xarunta uu xisbigaasi ku leeyahay magaalada Wajaale, halkaas oo uu kula hadlay boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID, isaga oo Faysal Cali-waraabe dadweynaha uga sheekeeyey taariikhda xisbiga UCID.
Guddoomiyaha ayaa dadka ku dhaqan magaalada Wajaale uga mahadnaqay sida fiican ee ay soo dhaweeyeen.
Waxa kale oo uu guddoomiyuhu dadka reer Wajaale kula dardaarmay in maalinta ay gaadho codbixinta ay sida ugu fiican ugu soo dareeraan isla markaana ugu coddeeyaan xisbiga UCID ee uu ka sharaxan yahay.
Guddoomiye faysal Cali-waraabe ayaa dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in gaadiidka iyo agabka ka yimaada dhinca dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia ay si bilaa hadal ah u soo gaadhaan gudaha Somaliland, halka buu yidhi alaabta iyo bagaashka ka taga dalka Somaliland ay si dhuumasho ah ku gaadhaan dalkaas waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Walaalayaal haddii aanu doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka dhacdo aanu ku guulaysano waxa aanu joojin doonaa gudniinka fircooniga ah oo la arki maayo islaan yar oo mindiyo sidata, waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa cusbitaaladeena oo iyana dib u dhici mayso in ay haweenkeeni isku go’aan ama ay umul arooraan, waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa haddii uu alle yidhaahdo camal la’aanta, waxa kale oo haddii aad na doorataan aanu wax ka qaban doonaa tahriibta.
Walaalayaal waxa ayaan-darro ah in gaadiidka ama dadka alaabada u sida dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia ay dhuumasho ku galaan, halkaas ay gaadhaan iyaga oo la dhacay ama la qabqabtay halka ay inaga dadka ka soo jeeda dalka Ethiopia si xor ah u soo gaadhaan dalkeena, haddii aad na doorataan walaalayaal taasi dib u dhici mayso, waxa aanu todobaadka ugu horeeyaba u hawl geli doonaa sidii aanu isu soo hor fadhiisan lahayn maamulka dalkaas isla markaana waxa aanu kala hadli doonaa sidii aanay u dhici lahayn in uu dalba dalka kale ay dadkiisu si tuugo wax u gelin lahaayeen.”
Geesta kale guddoomiye faysal ayaa mar uu la hadlayay taageerayaashan tirada badan ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ballan qaaday haddii uu doorashada madaxtooyada ku guulaysto in aanay dhici doonin in xaaskiisu ay dalka ka taliso waxaanu yidhi “Walaalayaal haddii aan doorashada madaxtooyada ku guulaysto waxa aan idiin sheegayaa in aanay xaaskaygu talada dalka waxba ku yeelan doonin, cid wax ka weydiinaysaana aanay jirin, waxaanu xisbiga UCID ogolyahay in haweenku ay joogaan guryahooda oo ay ka shaqaystaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.
Waxa kale oo uu xukuumada uu madaxweyne daahir rayaale ku eedeeyay in ay boobtay hantidii qaranka isla markaana saaka oo ugu danbaysay ay iibisay garoonkii kubada cagta ee magaalada Wajaale.
Waxa kale oo isna dadka reer wajaale khudbad u jeediyay xoghayaha guud oo shaaca ka qaaday in xisbiga UCID uu yahay ka keliya ee hanan kara maamulka.
Guddoomiyaha iyo waftigiisii ayaa markii ay dhamaysteen khudbadii ay u jeediyeen dadka reer Wajaale u soo jarmaaday dhinaca xaafadaha magaaladaas iyada oo uu guddoomiyuhu si gaar-gaar ah u gacan qaadayay dadka “Miyaad leedihiin cusbitaalo, miyaad leedihiin xanaanooyin, miyay caruurtiinu heshaa waxbarasho………” ayuu Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal cali waraabe waydiiyay hurin haween ah oo markii ay arkeen muuqiisa isu soo taagay dariiqa, waxaanay ugu jawaabeen isla markaana afkooda ka soo baxday “May guddoomiye, xukuumada maanta joogta magac mooyaane manfac kama hayno..”Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay in inta ka hadhay cimriga xukuumada maanta joogta ay carruurta siiyaan taxliisha waxaanu yidhi “Walaalayaal waxa aan idin odhan lahaa cimrigii xukuumada maanta joogtaa wuu soo gaabtay, markaa inta ay ka dhacayso carruurta taxliisha iinoo siiya……..”
Si kastaba ah ahaatee socdaalka Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa si weyn looga dareemayay magaalada Wajaale, waxaana hudheelkii uu ka degay si raabo-raabo raabo ah u soo gaadhay boqolaal ka mid ah waxgaradka, culimada, ganacstada iyo taageerayaal iyada oo uu Guddoomiyaha degmada wajaale ciidan soo dul dhigay, ka dib markii uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga UCID uu kaambayn ka dhex waddo deegaanka.”
Eng. Faysal Cali-waraabe oo Jamhuuriya habeenkii Salaasada u waramay, ayaa sheegay in xisbiga UCID uu inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegay dadweynaha reer Gabiley oo uu sheegay in xidhiidh qoto dheeri ka dhexeeyo xisbigiisa.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha degmada wajaale Qawrax Muuse Xuseen, ayaa ayaa goor dhaweyd ciidan xoogan soo dul dhigay huteelka Centeral Hotel oo uu Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID iyo waftigiisu ay ku soo degeen, ka dib markii uu ku eedeyay in ay ka hadleen arrimo siyaasadeed.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo la hadlayay boqolaal ka mid ah dadka ku dhaqan degmada wajaale ayaa xukuumada dhabarka u saaray eedo ay ka mid tahay in ay isla maanta iibisay garoonka kubada cagta ee Magaalada Wajaale.
Guddoomiyaha ayaa saraakiisha sarsare ee xisbiga UCID kula garnaqsanayay huteelka isaga oo wata ciidamo ka tirsan booliska degmada isla markaana ku dacwoonaya in ay ka hadleen arrimo kicinaya shacabka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aadeer marka uu guddoomiyuhu leeyahay waxa la iibiyay garoonkii kubadda cagta saw maaha kicin shacab” ayaa ka mid ahaa hadalo uu guddoomiyuhu kula doodayay qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee xisbiga UCID.
Ciidanka uu watay Guddoomiye Qawrax oo lagu arkayay albaabka hore ee ay ku jiraan Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo saraakiisha sarsare waftigiisa ku wehilnaysay ayaan wax dhibaato ah u geysan waxaanay hadba dhegta uu dhigayeen amar ka soo baxa Guddoomiye Qawrax, balse waxa ay arrintu markii dambe ka degtay sidii ay ahayd, waxaana la hadlay xoghayaha guud ee xisbiga UCID Muuse Muxumed Guuleed.
Si kastaba ha ahaatee waxa gelinkii hore ee shalay ayciidamo boolis ahi weftiga UCID kaga horyimaadeen duleedka bari ee magaalada Wajaale, kuwaasi oo amar ku bixiyey in aanay magaalada la geli karin calan babanaya
Burco DigaaleNews
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire