Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

vendredi 7 mai 2010

Duqa Ceerigaabo iyo Dr.Gaboose oo siyaabo kala gedisan uga hadlay Rabshadihii ka dhacay Ceerigaabo




Burco(Digaale News). Hal qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii rabshado gacan ka hadal ahi ku dhexmareen taageerayaasha xisbiga Udub iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaalada Ceeri-gaabo ee xarunta gobolka Sanaag.



Rabshadahan ayaa ka dhashay markii wafti ka tirsan xisbiga Kulmiye oo uu horkacayo guddoomiyaha ololaha doorashooyinka ee gobollada Bariga Somaliland ee xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, uu gaadhay saaka halkaas kadibna taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee soo shaweynayey waftigaas iyo taageerayaasha xisbiga Udub rabshado iskaga hor-yimaaddeen, kuwaasoo sababay buuq,dhagaxtuur iyo dhaawacyo badan.


Ciidammada booliska iyo milateriga oo adeegsanaya gaadiidka loo yaqaan Tiknikada, ayaa soo gaadhay goobihii ay rabshaduhu ka socdeen, kuwaasoo rasaas cirka u riday kuna kala dareeriyey taageerayaashii labada dhinac ee rabshaduhu u dhaxeeyeen.


Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ah madaxa waftigaas Kulmiye oo khadka telefoonka ugu waramayey TogdheerNews, isagoo ku sugan Ceeri-gaabo,ayaa sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Ceeri-gaabo,kuna soo wareegeen jidadka magaalada, hase yeeshee,ayuu yidhi “ markii aannu nimi goobtii xafiiska xisbiga Kulmiye ee aannu taageerayaashayada kala hadli lahayn, ayaa dhallinyaro yaryar oo taageerayaasha xisbiga Udub ahi dhagxaan ku soo tureen goobtii.


Wuxuu Dr. Gaboose ku eedeeyey xukuumadda iyo xisbiga Udub inay ka dambeeyaan rabshadahan oo ay soo abaabuleen, kadib markii ay waayeen taageeradii bulshada” waa sidii uu hadalka u yidhiye.


Duqa magaalada Ceeri-gaabo Ismaaciil X. Nuur oo TogdheerNews khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa u sheegay in xaaladda magaaladu hadda deggan tahay, balse wuxuu waftiga xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay ka dambeeyaan rabshadahan ka dhacay magaalada, isla markaana xaaladda magaaladu ay ahayd mid aad u deggan, laakiin ayagu ay keeneen buuq iyo rabshado,hase yeeshee aannu ku dadaallay ayuu yidhi “ sidii aannu xiisadaha u dejin lahayn waana ku guulaysannay..


Wararka kale ee ka imanaya magaaladaas ayaa sheegaya in hadda xaaladdu wanaagsan tahay oo ay deggan tahay,inkastoo ciidammadii iyo Tiknikadii ay wali ku sugan yihiin xafiisyada xisbiyada Kulmiye iyo Udub.


Dhinaca kale, waxaa gudaha magaalada Ceeri-gaabo ka socda kulammo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madax-dhaqameedyada iyo wax-garadka magaaladaasi, kuwaasoo lagaga hadlayo xiisadihii iyo rabshadihii ka dhacay maanta magaalada, isla markaana looga hortagi lahaa inay rabshado dambe dhacaan.



Rabshadahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyey ee noocooda ah ee ka dhaca magaalada Ceeri-gaabo ee dhex-mara taageerayaasha labada xisbi ee Kulmiye iyo Udub. Aqoon-yahanka iyo wax-garadka gobolkaasi ayaa walaac ka muujiyey arrimahan kuna tilmaamay kuwo khatar ku ah degganaashaha iyo xasiloonida gobolka.


Tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya wakhti la filayo in doorashooyinka madaxtooyada Somaliland ay qabsoomaan bisha Jun ee sannadkan. Balse , Laba cisho ka hor ayey ahayd markii taageerayaasha labadan xisbi ay rabshado ku dhexmareen magaalada Burco

Digaale News

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire