Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mardi 18 mai 2010

Maraynkanka oo xaqiijiyay inay si wadayaan Caawimada soomaliya


Maraynkanka oo ka hadlay Arimaha Soomaliya.
Tuesday, 18 May 2010
Nayroobi(Dignews)- Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay sii wadeyso kaalinteeda kaga beegan dadaalkii Nabadeed ee dalka jabuuti ee lagu dhisay dowlada Federalka Kumeel gaar ka ah ee Soomaaliya.



War Saxaafadeed laga soo saaray safaaradda mareykanka ee magaalada Nayroobi soo saartay ayay dawladda mareykanku ku sheegtay iney ogyihiin caqabadaha ka jira Soomaaliya.

Waxaan ognahay caqabadaha ka jira Soomaaliya waxaana mudan in hoosta laga xarriiqo isku dayga dowlada KMG ka ah ay ugu jirto soo celinta nabad gelyadda waxaana dowlada Mareykanku ay gacan ka geysaneysaa hubinta sii wadida ama kamira dhalinta tubtii nabadda ee Dalka Jabuuti, iyadoo laga hortagayo wax kasta oo caqabad ku noqon kara wadiiqada nabada ee ay ka mid yihiin rabshadaha jira Soomaaliya.

Dowladda Mareykanku waxay sheegtay inay waxyaabaha muhim ka ah ee ay tahay in gacan lagu siiyo dowladda curdanka ah ee kumeel gaar ka ah ay tahay dhinacyadda Ammaanka iyo adeegyadda bulshada oo loo qabanayo hab cadaalad iyo wada xisaabtan ku dheehan tahay.

Ku dhawaad labaatan sanno oo xirriir ah ayaa ummadda Soomaalidu la dhibaatooneysay xaalada adag ee ay ku nool yihiin taasi oo ka dhalatay qalaanqal siyaasadeed, kala danbeyn la’aan iyo jebinta sharcigii iyo kala dambeynta.

Dowlada Mareykanka waxay ku dhiiri gelisay in madaxda Soomaalidu sii wadaan qorshaha dib u heshiisiinta iyo wada xaajoodyada nabadda iyo , horumarrinta dhaqaalaha dalka ayaa lagu yiri War Saxaafadeedkaasi ka soo baxay Maraykanka.

Waxaan horay ugu socon doona hadaanu nahay dowlada Mareykanka in beesha caalamku kaalin muuqato ka qaadato howlaha Soomaaliya iyo shirka Istanbul ee dalka Turkiga ee 21-23 May kaasi oo guud ahaan dalalka caaalamka ay kaalin masuuliyadi ku dheehan tahay ka qaadan doonaanayaan lagu soo gabagabeeya War saxaafadeedkaasi ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya.

DigNews

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire