Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
lundi 31 mai 2010
Meeshii Dadka Lagu Dili Jiray ee Xumaanta Loogu Geysan Jiray Ayuu ku Jiraa Daahir Rayaale, Somaliland Magacii Ayuu ka Dilay’ Faysal Cali-waraabe
Xisbiga UCID oo Xafiis ka Furtay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa (DigaaleNews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa shalay xafiis ka furtay badhatamaha suuqa ugu weyn caasimadda Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo ay maalgelintiisa bixiyeen ganacsatada ka shaqaysta suuqaasi.
Xafladii xadhigga lagaga jiray xafiiska xisbiga UCID ka furtay suuqa Waaheen, waxa ka qaybgalay madaxda sare ee UCID oo uu hor kacayo Guddoomiyaha, isla markaana ah murashaxa madaxweynaha xisbigaasi Md. Faysal Cali-waraabe iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee UCID Md. Aadan Mire Waqaf iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbigaasi.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo xafladda xadhigga lagaga jarayey xafiiska xisbigisa hadal kooban ka jeediyey, waxa uu caddeeyey in xisbigoodu yahay ka qudha ee ka damqada dhibaatooyinka kala duwan ee dalka iyo dadkaba haysta, isaga oo dadweynaha ka codsaday inay codkooda siiyaan si hadii ay ku guulaystaan tallada dalka ay si hagar la’aan ah wax uga qabtaan dhibaatooyinka dalka ka jira, isla markaana uu abaalkooda u guddo.
Md. Faysal Cali-waraabe waxa uu ballanqaaday inay cashuuraha ka dhimi doonaan ganacsatada rer Somaliland haddii ay tallada ku guulaystaan, isaga oo ganacsatada ka dalbaday inay taageeraan xisbigiisa oo uu ku sifeeyay mid u taagan sidii Somaliland u gaadhi lahayd horumar iyo isbedel ballaadhan.
Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi; ““Walaalayaal, waxa la yaab ah xukuumad siddeed sanno dhisnayd oo meel ay dalka ka maamusho oo madaxtooyo ah sameysan kari wayday ee ku jira aqalkii Morgan, taasi ma dawlad baa? Madaxweynuhu waa inuu sameystaa meel uu dal uu ka maamulo oo qurux badan, meeshan uu imika ku jiraana waa meeshii dadka lagu dili jiray ee xumaanta loogu geysan jiray ayuu ku jiraa Daahir Rayaale, Somaliland magacii ayuu ka dilay, waxaan sameyn doonaa anigu madaxtooyo cusub oo ay ka muuqato karaamada iyo sharafta ay leedahay Somaliland, sida aynu Somaliland ula baxsan ee aynu Soomaaliya uga goosanay waa in aannu wixii ka dhaxalnay oo dhan iska beddelnaa.”
“Ganacsatada waxaan leeyahay dib loo arki maayo wasiir dambe oo dilaal ah iyo dawlad hoose oo fardadaha idin kala baxda, waxaananu idiin sameyn doonaa suuq wanaagsan, suuliyaal iyo cashuurtoon idinka jabino.”
“Haweenka suuqa u soo shaqaytayna waannu celin doonaa oo raggooda iyo carruurtooda ayaanu u shaqaleysiin doonaa, dalkana waxaannu ka dhigi doonaa dal loo soo shaqo tago.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu socod ku maray qeybaha kala duwan ee Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxa Guddoomiyaha weheliyay Guddoomiye Ku Xigeenka xisbgia UCID Md. Aadan Maxamed Mirre (Waqaf).
DigaaleNews
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire