Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
mercredi 12 mai 2010
Sanaaduuqdii kaadhaadh cusub ee cod bixintu ku jirtay oo soo gaahay Burco,loona kala raray Goobihii
Burco(Togdhnews)-Magaalada Burco ayaa waxaa soo gaadhay sanaadiiqdii ay ku jireen kaadhadhka cusub ee codbixintu,
ayadoo maalinta khamiista ee berito ay si rasmi ah uga bilaabmi doonaan 96 Goobood oo ka mid ah deegaanka Togdheer ee qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta.
Dhammaanba waxa si weyn loo adkeeyey ammaanka guud ee gobolka gaar ahaan goobaha laga qaadan doono kaadhadhka cusub ee codbixinta.Geesta kale, masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka cusub ee codbixinta si ay codka u bixiyaan.
Sidoo kale, xukuumadda ayaa ugu baaqday bulshada inay ilaaliyaan oo dhowraan nabad-galyada iyo degganaanshaha, hase yeeshee waxaa jira walaac badan oo laga muujinayo in roobabka ka da’aya deegaanka Togdheer ay xannibaan gaadiidka tuulooyinka u sida sanaaduuqda ay ku jiraan kaadhadhku, taasina ay dib u dhac ku keento wakhtigii loogu galo-galay inay ka bilaabmaan deegaannada ka baxsan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta doorashadu.
DigNews
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire