Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

lundi 31 mai 2010

Wasiir Udawlaha Wasaarada Arimaha Dibada oo faahfaahin ka bixiyay Socdaal uu ku marayay G/ Bariga




Burco(Digaalenews). Wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalioland md.Cabdiraxman Cismaan Aadan,



oo muddooyinkan safar ku marayey deegaamada gobollada Sanaag iyo Sool ayaa sheegay in muhiimadda safarkoodu la xidhiidhay sidii ay ugu kuur-gali lahaayeen sida ay u socoto hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee doorashooyinka, isla markaana bulshada aannu ugu wacyi-galin lahayn ayuu yidhi “ inay qaataan kaadhadhka codbixinta doorashooyinka”.


wuxuuna intaas ku daray wasiiru dawluhu inay mudadii ay ku sugnaayeen magaalooyinka Ceeri-gaabo iyo Ceel-afweyn ay kulammo kala duwan la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada si wanaagsanna isu af-garteen dadweynihii deegaanadaas, isagoo xusay in dadweynaha deegaamadaasi yihiin kiwo si weyn u taageersan xukuumadda iyo xisbiga Udub, diyaarna u ah inay codkooda siiyaan xisbiga Udub marka la gaadho maalinta doorashada.


Wuxuuna wasiiru dawluhu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland inay ilaashadaan degganaanshaha iyo xasiloonida si nabadgalyo lehna u dhiibtaan codkooda,wuxuuna sheegay wasiiru dawluhu in safarkiisan ay ku wehelinayeen wasiirka arrimaha debadda iyo wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyadda,isagoo Xusay in ay si fiican ugu soo guulaysteen hawlihii shaqo ay u tageen gobolladaas.

digaaleNews

Wasiirka Hawlaha Guudoo Madaxweynaha u Sharaxay Wax-qabadkii Wasaaraddiisa 7-Sano uu Wasiir ka ahaa



Hargeysa(Digaalenews)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaga Guud iyo Guryaynta Siciid Sulub Maxamed, ayaa Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin warbixin dheer ka siiyey


waxqabadkii Wasaaraddiisa muddo toddoba sano ah oo uu Wasiir ahaa, halka uu marayo dhismaha Biriijka labaad ee Caasimadda Hargeysa iyo waxa u hadhay.talinaysay. Waxaanu sheegay Wasiir Sulub inuu horumar ballaadhan gaadhsiiyey Wasaaradda intii uu joogay, isaga oo qodob-qodob Madaxweynaha ugu sharaxay waxyaabaha uu qabtay.


Madaxweyne Daahir Rayaale oo ka qaybgalay Xaflad uu xadhiga kaga jaray Xafiis cusub oo loo sameeyey Nashqadaynta Magaalaynta dalka oo laga dhisay xarunta Wasaaradda hawlaha guud ee Hargeysa, ayaa Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta ka dhagaystay warbixin ku saabsan waxqabadkii Wasaaraddaas intii uu Wasiirka ka ahaa. "Madaxweyne Wasaaaradda waxaan joogay muddo toddoba sannadood ah, waxyaabo badan ayaannu wax ka qabannay muddadaas aan joogay, waxqabadkayagii waxa ugu dambeeyey Xafiiskaa


nashqadaynta magaalaynta dalka iyo xallinta khilaafaadka dhulka ee aad xadhiga ka jartay oo ku qotoma Xeerka dhulka ee No. 17 oo Golaha Baarlamaanku ansixiyey wax ka beddal iyo kaabis lagu sameeyey, waxaanan aad ugu mahad-naqayaa Hay'adda UN-Habitet oo naga caawisay dhismihiisa." Sidaa ayuu yidhi Siciid Sulub.


Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; "Xafiiskan garnaqa dhulku muddo ayuu sii shaqaynayay, oo uu ka shaqaynayay Magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco oo intaba Guddiyadu ka shaqeeyaan, waxaana qorshaha noogu jirta in xafiiskan nashqadaynta magaalaynta iyo ka garnaqa dhulka gaadhsiinno dhammaan Gobollada dalka. Madaxweyne Xafiiskan waxa lagaga raystay dhibaatooyinkii dhinaca dhulka oo Maxkamadaha culays badan ku hayay, Murankii iyo is-qabsigii dhulka." Wasiirka Hawlaha guud waxa uu ku faanay intii uu xilka hayay inuu hirgeliyey dhismayaal fara badan oo uu sheegay inuu ka sameeyey xarunta Wasaaradda, sida Xafiiska Hay'adda Waddooyinka, 10 Xafiis oo uu tilmaamay inuu ka dhisay xaruntii gaadiidka dawladda ee Hargeysa, laba hooso oo gaadiidka dawladda lagaga shaqeeyo, hool uu sheegay in shaqaalaha gaadiidka lagu tababbaro, kuwaasoo uu Wasiirku sheegay inaanay shaqayn jirin wakhtigii uu la wareegay xilka Wasaaraddaas wakhti imika toddoba sano laga joogo.


Siciid Sulub, waxa kale oo uu sheegay inay wax-qabadkiisa ka mid yihiin, kaalin shiidaal oo uu Wasaaradda u sameeyey, Xafiiska bixinta Liisamada, kala wareejinta gaadiidka, tirada shaqaalaha Wasaaradda oo uu sheegay inay laban-laabmeen intii uu joogay isagu iyo waxyaabo kale oo badan. "Madaxweyne Tirada Shaqaalaha Wasaaradda hawlaha guud ka shaqeeya ee guud ahaanba Gobolada dalku waxay ahaayeen 94 shaqaale ah, maantana waxay tiradada shaqaalaha Wasaaraddu marayaan 192 qof oo shaqaale ah Gobolada oo dhan, markaa isbeddalkaasi Madaxweyne waxa uu yimi intii aan xilka hayey. Madaxweyne Anigu UDUB-yahan baan ahay oo Raggii UDUB aasaasay ayaan ka mid ahaa, markaa maalin dhawayd oo aan shaqaalaha la hadlayay waxaan idhi waar intiina badani intii UDUB xilka haysay ayaad shaqada hesheen ee shaqeeya," ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland.


Waxa kale, oo uu sheegay Siciid Sulub, inay Wasaaraddiisu dakhli badan xukuumadda u soo xarayso, "Dakhli badan ayay Wasaaraddu soo xaraysaa Madaxweyne, Shirkad kasta oo kuwa dhismaha ah liisan ayaannu siinnaa, waxaanay noogu kala qiimaysan yihiin A,B iyo C. Wasaaraddu toddobadaa sano ee aan joogay waxay bixisay, 19816 Bilaydh Lambar oo kuwa baabuurta dadweynaha ah, 9,98 Bilaydh Lambar oo Gaadiidka dawladda ah, 300 oo Bilaydh Lambar oo Baabuurta Hay'adaha ah, waraaqaha 15,14 shan iyo toban kun iyo afar iyo toban baabuur oo la kala wareejiy, 42,943 Liisan iyo 21,11 Debite Book ah." Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud Siciid Sulub. Waxaanu intaa ku daray inay wax ka qabtaan dayac-tirka waddooyinka dalka.


"Hotra Madaxweyne Biriishkan labaad ee Hargeysa waa 82 Mitir, waxa uu noqonayaa ka ugu dheer dalka, tayadiisuna waa nooc aan hore dalka looga dhisin, berigii qolo Ajanab ah oo aanu u yeedhnay ayaa nagala talisay tayadiisa, Bariij boqol sano jira oo aan is-beddalin ayuu noqonayaa. Maalintii Cali-dhooqo (Bariijku) dumay 45 cisho gudohood ayaannu ku dhisi karaynay noociisii, ee waxaannu is nidhi Bariij tayo leh oo taariikhda gala, oo magac leh oo idinkana laydku xasuusto u sameeya dalka. marmar baad is odhanaysaa faduul baad doonatay, laakiin in qofka masuulka ahi wax fiican sameeyo ayaa wanaagsan." Ayuu yidhi Siciid Sulub. Waxaanu tilmaamay in qorshuhu markii hore ahaa in kharashka biriijka lagu dhisayo 70%-kiiba dadweynuhu bixiyaan 30%-kiibana dawladdu bixiso, hase ahaatee, sicir-barar dhacay oo qiimihii hore laga guuray, taasina caqabad noqotay. waxa kale oo uu caqabadaha ka horyimi halka biriij laga dhisayo oo doox biyo mareen ah iyo awoodda oo yar. "Waxa imika hadhsan wax yar, intaasna dhaqaalihii Madaxweyne intii u dambaysay waadigii Guryahan la yidhaahdo waa la iibsaday mid u iibiyey, dawladda hoose-na ku yidhi dhul ha loo iibiyo, kharashka inta hadhay waxna lagac ayaa loogu hayaa, waxna dhul, waanu dhammaanayaa dhawaan." ayuu hadalkiisa ku ladhay Wasiirku.


Madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa markii uu warbixinta ka dhagaystay Wasiirka hawlaha guud ka dib, hadalka la wareegya, isla markaana waxa uu si weyn ugu mahadceliyey wasaaradda iyo hawl-wadeennadeeda, isaga oo arrinta dhismaha biriijka labaad ee Hargeysa-na ka hadlay. "In Biriij la dhisaaa waa wax wayn, Dawladdu hadday hayso iyadaa samayn lahayd biriijka ee shicibkaba may dhibteen, in lays kaashado oo wax la wada qabsadaana waa muhiim, wixii shicibku kari waayo inay dawladdu qabatana waa waajib dawladda saaran. Waxaanan idiin sheegayaa illaa dawladihii hore iskaa wax u qabso ayaa lagu soo jiray. Kani Biriij kaliya maaha ee Biyaha laftoodii ayaa wax laga qabtay. Waxa wax weyn ah oo Biriijka igala muhiimsan Dooxa oo haddii aan la dhisin qaadi lahaa Xafiiska Komishanka doorashooyinka ilaa Hargeysa Club Huteel, markaa wax fiican baa la qabtay, waana ku mahadsan tihiin." Madaxweyne Rayaale, waxa uu intaa ku ladhay; "Waxaan qabaa waxa la qabtay wadankaa yeelanaya qollolona yeelan mayso qolladayada hadda joogta iyo kuwa kale ee iman doonaba.

Aad iyo aad baanan idiinkaga mahadcelinayaa waxa qabateen waa wax muuqda oo la wada arkayo, waana mahadsan-tihii." waxaanu Madaxweynuhu gebagabadii kormeer ku tagay taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee Caasimadda Hargeysa oo uu salaan kaga qaatay cutubyo ciidamada ka tirsan.

Digaalenews

Md Rayaale Markii ugu Horreysay ka hadlay Darajo-Samaynta Ciidamada Iyo Xaaladda Deegaanka Buuhood




"Markii aynu wadanka soo galay qolladii u horaysay ee wadanka qabatay inay darajo siiyaanbay ahayd ciidanka, qabyada maanta taaganna iyagaa keenay, anigu waxaan ka bilaabay inaan."



Hargeysa-(DigaaleNews):- Maadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Md. Rayaale Kaahin, ayaa darajo-siinta Ciidamada kala duwan ee dawladda oo marar badan hore u ballan-qaaday inuu samaynayo ku riixay Xukuumadihii isaga ka horreeyey, gaar ahaan xukuumaddii 1-aad ee ay Somaliland yeelato oo uu Madaxweyne ka ahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan-tuur) iyo sidoo kale tii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.


Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay Buuhoodle, xaaladda hadda ee deegaankaas iyo waxyaabaha xukuumad ahaan uga qorshaysan. Waxaanu sidaa ku sheegay Madaxweynuhu mar uu maanta kormeer ku tagay Taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu salaan sharaf kaga qaatay Cutubyo Ciidamada ka tirsan, halkaas oo Warbaahintu wax kaga waydiisay arrimo dhawr ah. Sidoo kale, Daahir Rayaale, waxa uu isla maanta xadhiga ka jaray Xafiis loogu talagalay nashqadaynta iyo magaalaynta oo laga dhisay xarunta Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta.


Madaxweyne Rayaale oo wax laga weydiiyey inuu jiro wax qorshe ah oo xukuummaddu ugu tallogashay inay wax kaga qabato gaadiidka Itoobiyaanka ee Xammuulka ka qaada Dekedda Berbera iyo khatarta ay ku hayaan waddada laamiga ah oo aan iska xejin karin miisaanka gaadiidkaas, waxa uu ku jawaabay; "Haa way jirtaa annaga iyo Itoobiyaba waxa jira mashruuc dib loogu dhisayo oo lagu magacaab Berbera Coridor oo midowga Yurub bixinayaan, wakhti uun bay ku xidhantahay maca biriijyada in dib loo hagaajiyo, waxaan rajaynayaa wadaadaas iyo meelo kale oo wadanka ahba in mtaqbalka dhow wax laga qabto

DigaaleNews

Ciidamada Israaiil oo Weerar Budhcad Badeed ah ku qaaday maraakiib kaalmo u sidey Gaza



London (Digaalenews)- Ciidamada sida gaarka ah u tabababar ee Israaiil, ayaa weerar argagixiso ah ku qaaday saaka aroortii hore maraakiib mucaawimo u sidey Dadka reer Falasiin ku dhaqan gacanka Gaza, kuwaasi oo dhawrkii sanno ee u danbeeyay ku jiray cunaqabatayn dhinac kasta oo ay Israaiil ku haysay tan iyo intii ka danbeysay dagaalkii Gaza ku dhexmaray xoogaga Xamaas iyo ciidamada Israaiil.

Sida wararka u danbeeyay sheegayaan ugu yaraan 19 ruux ayaa ku dhintay, ka dib markii ciidamada commandos-ku ee Israaiil dusha kaga soo daateen maraakiibtan kaalmada siday oo marayay biyaha caalamiga ah ee badda Meditarian-ka, kuwaasi oo rasas si cadownimo ah ugu furey dadkii maraakiibta saarnaa, waxayna halkaasi ku dileen ilaa 10 ruux halka ay qaar kalena ku dhaawaceen.

Maraakiibtan oo ay saarnaayeen dad ku dhaw ilaa 900 oo qof oo isugu jira kooxaha u ololeeya xuquuqda Aadamaha iyo kuwa ka soo horjeeda cadaadiska xooggaga Sahyuuniyiintu ku hayaan falastiiniyiinta ayaa waxa socdaalkooda ku weheliya 6 xubnood oo ka tirsan baarlaaamada dhawr dal oo Yuruba. waxayna ujeedadoodu tahay in jabiyaan xayiraada Israaiil ku hayso Gaza. Maraakiibtan ayaa dadka saran ka kale yim,aadeen 50 dal oo dunida ka tirsan, waxayna kasoo kicitimeen dalka Turkiga oo beryahan danbe si aada uga soo horjeeda falalka argagixisada ah ee Israaiil ku hayso dad reer Falastiin.

Weerarkan ayaa waxa uu si aada uga cadhaysiiyay dadyowga dunida ku dhaqan intooda badan gaar ahaana waxa durba u yeedhay safiiradii u fadhiyay Israaiil dalalkooda dowladaha Greek, Turkiga iyo Sweden. Halka kuwo kale oo badani cambaareeyeen falka. Magaalada Istanbul-na dad tiro badan ayaa dhagaxaan ku weeraray safaarada Israail ee Turkiga.

Tallaabadan Israil qaaday ayaa waxay ku soo begmatay xilli sumcada ay dunida ku leeyihiin ay marayso meel aad u hoosaysay, taasi ka dhalay falalkii argagixisada ahaa ee ku dileen magaalada Dubai sarkaal sare oo Xamaaska tirsan, kaasi oo xubnihii sirdoonka Israaiil ahaa ee fulliyay dilkani siteen baasaabooro Yurubiyan iyo Australian. Sidoo kalena Dawlada xagjirka ah ee uu hogaamiyo Binyamin Natanyahu ayaa waxay iskaga dhagotireen baaqyadii caalamka uga imanayay ee ku wajahanaa joojinta dhul balaadhsiga ay ka wadaan magaalada Qudus iyo xayiraada ay ku hayso Gaza, taasi oo gaadhsiisay heerkii u hooseeyay xidhiidhka Israaiil iyo waddamada reer Galbeedka ee sida aadka ah u taageera..

Dhinaca kalena Israailiyiinta ayaa ku dacwooday in maraakiibtani sideen hub kuna soo xadgudbeen biyahooda sidaad daraadeedna ay iskaga difaaceen.ay iskaga difaaceen.

DigaaleNews

12 Jir Foodhi U Gaar Ah Ku Maamula 30 Shimbirood Iyagoo Hawada Ku Jira Codkiisa Maqlaan Garbhiisai



Hargeysa (Digaalenews)- Cabdi Shakuur Jaamac Nuux oo ah arday wax ka barta dugsiyada dhexe, waxa uu ku nool yahay xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa.

C/shakuur oo da’diisu tahay 12 jir ayaa waxa uu dhaqdaa shimbiraha nooca xamaamka, isla markaana uu xanaaneeyaa isagoo tababar gaar ah siiyay in ku dhow 30 shimbirood oo xataa iyaga oo hawada dabaalanaya uu foodhi isaga u gaar ah ugu yeedho kaddibna markay maqlaan dhamaan si deg dega dhulka ugu soo degaan, iyaga oo garbihiisa iyo hareerihiisa soo wada fadhiista.

digaaleNews

Weriyayaal ka tirsan Haatuf oo shalay booqday goobta uu shimbiraha ku xanaaneeyo C/shakuur, ayaa sheegay in hiwaayadiisa koowaad tahay dhaqashada shimbiraha isla markaana saaxiib la yihiin, kuna tababaray foodhi isaga u gaar ah.

C/ shakuur waxa uu intaa ku daray in shimbirihiisu marka ay duulimaadka ku jiraan u soo dabaan shimbiro kale, taas oo kuwa cusub ee shimbirihiisa soo raaca uu iibiyo si uu nolol maalmeedkooda ugu soo iibiyo raashinka midhaha ah ee ay quutaan.


C/shakuur oo arrimahaasi ka waramaya waxa uu yidhi “ dhaqashada shimbiruhu waa hiwaayadayda koowaad, saaxiib baanu nahay, waxa xerada iigu jira 30 shimbirood oo isugu jira lab iyo dhedig, waxay haystaan dhashoodii yar yareyd, mar waxa haya oo ilaaliya labka, marna dhediga, waxan ku tababaray foodhi aniga ii gaar ah oo iyagoo duulimaad hawada dabaalanaya marka aan u baaqo, si deg deg ah ayay agteyda u soo fadhiistaan, waxa i gala shaqeeya xanaaneynta shimbiraha saaxiibkay C/salaam Shiine oo aanu isku da’a nahay”. Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu C/shakuur intaa ku daray “ shimbiraha nolol maalmeedkooda iyo dhaqaaleyntooda waxan ka helaa markay hawada ku jiraan waxa soo raaca shimbiro kale, kuwaas ayaan iibiyaa oo ilaa xabadii $5 (shan Dollar) la igaga iibsado, raashinka waxan u keenaa, hadhuudh, galley, bariis iyo biyo. Dadka qaar baa igu yidhaahda, maxaad shimbiraha ku falaysaa xanuuno ayaa laga qaadaa, kuwaa sheekadooda kama dhageysto, shimbirahayga waan xanaaneeyaa oo tababaraa, sidaa darteed waxan hay’daha dawlada iyo kuwa caalamiga ahba ka codsanayaa in hawshaasi la iga caawiyo oo wax la igala qabto daryeelka shimbiraha iyo caafimaadkoodaba, dadweynaha waxan kula talinayaa, gaar ahaan da’yarta, inay daryeelaan shimbiraha, waayo waa quruxdii dhulka, aad baan u mabsuudaa markay hareerahayga duul duulayaan shimbiruhu ee badhna garbahayga saaran yihiin qaar kalena hortayda ku ciyaarayaan”.

C/shakuur ayaa shimbirihiisa waxa uu hoy uga dhigay guri ka sameysan jiingad iyo loox, waxanu aad ugu faraxsan yahay dhaqashada shimbiraha, hase ahaatee waxa uu u baahan yahay in laga caawiyo siddii hoy, cunto iyo daryeel caafimaad ay u heli lahaayeen shimbiraha uu dhaqayo.

Meeshii Dadka Lagu Dili Jiray ee Xumaanta Loogu Geysan Jiray Ayuu ku Jiraa Daahir Rayaale, Somaliland Magacii Ayuu ka Dilay’ Faysal Cali-waraabe



Xisbiga UCID oo Xafiis ka Furtay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa (DigaaleNews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa shalay xafiis ka furtay badhatamaha suuqa ugu weyn caasimadda Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo ay maalgelintiisa bixiyeen ganacsatada ka shaqaysta suuqaasi.

Xafladii xadhigga lagaga jiray xafiiska xisbiga UCID ka furtay suuqa Waaheen, waxa ka qaybgalay madaxda sare ee UCID oo uu hor kacayo Guddoomiyaha, isla markaana ah murashaxa madaxweynaha xisbigaasi Md. Faysal Cali-waraabe iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee UCID Md. Aadan Mire Waqaf iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbigaasi.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo xafladda xadhigga lagaga jarayey xafiiska xisbigisa hadal kooban ka jeediyey, waxa uu caddeeyey in xisbigoodu yahay ka qudha ee ka damqada dhibaatooyinka kala duwan ee dalka iyo dadkaba haysta, isaga oo dadweynaha ka codsaday inay codkooda siiyaan si hadii ay ku guulaystaan tallada dalka ay si hagar la’aan ah wax uga qabtaan dhibaatooyinka dalka ka jira, isla markaana uu abaalkooda u guddo.

Md. Faysal Cali-waraabe waxa uu ballanqaaday inay cashuuraha ka dhimi doonaan ganacsatada rer Somaliland haddii ay tallada ku guulaystaan, isaga oo ganacsatada ka dalbaday inay taageeraan xisbigiisa oo uu ku sifeeyay mid u taagan sidii Somaliland u gaadhi lahayd horumar iyo isbedel ballaadhan.

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi; ““Walaalayaal, waxa la yaab ah xukuumad siddeed sanno dhisnayd oo meel ay dalka ka maamusho oo madaxtooyo ah sameysan kari wayday ee ku jira aqalkii Morgan, taasi ma dawlad baa? Madaxweynuhu waa inuu sameystaa meel uu dal uu ka maamulo oo qurux badan, meeshan uu imika ku jiraana waa meeshii dadka lagu dili jiray ee xumaanta loogu geysan jiray ayuu ku jiraa Daahir Rayaale, Somaliland magacii ayuu ka dilay, waxaan sameyn doonaa anigu madaxtooyo cusub oo ay ka muuqato karaamada iyo sharafta ay leedahay Somaliland, sida aynu Somaliland ula baxsan ee aynu Soomaaliya uga goosanay waa in aannu wixii ka dhaxalnay oo dhan iska beddelnaa.”

“Ganacsatada waxaan leeyahay dib loo arki maayo wasiir dambe oo dilaal ah iyo dawlad hoose oo fardadaha idin kala baxda, waxaananu idiin sameyn doonaa suuq wanaagsan, suuliyaal iyo cashuurtoon idinka jabino.”

“Haweenka suuqa u soo shaqaytayna waannu celin doonaa oo raggooda iyo carruurtooda ayaanu u shaqaleysiin doonaa, dalkana waxaannu ka dhigi doonaa dal loo soo shaqo tago.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu socod ku maray qeybaha kala duwan ee Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxa Guddoomiyaha weheliyay Guddoomiye Ku Xigeenka xisbgia UCID Md. Aadan Maxamed Mirre (Waqaf).
DigaaleNews

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Wejigabax Siyaasadeed Kala Hoyday Reer Balligubadle



Nuxurka kulan lagu kala kacay oo dhexmaray weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka iyo odayaal reer Balligubadle ah

Hargeysa (DigaaleNews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa wejigabax siyaasadeed oo fool xun kala soo hoyday kulan uu habeen hore degmada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd kula yeeshay cuqaal iyo odayaal ka soo jeeda degaankaas, kadib markii uu ku guuldarraystay in odayaashaasi taageeraan qorshe xukuumadda UDUB taageero siyaasadeed kaga raadinaysay shacbiga gobolkaas.

Md. Yaasiin iyo wefti uu hoggaaminayey, ayaa wejigabax kala soo guryo-noqday degmada Balligubadle oo uu taageero siyaasadeed uga raadinayey xisbiga UDUB, kadib markii odayaal iyo cuqaal ka soo jeeda degaankaas oo uu la kulmay ku ganac-saydheen ballanqaadyo cusub oo uu bandhigay, isla markaana lagu kala kacay fadhigii iyadoon wax natiijo ah la isla gaadhin.

Sida uu Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey shalay xildhibaan Xasan Digaale Xuseen oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Degmada Balligubadle oo xog badan ka haya kulankaas iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay, waxa Madaxweyne-ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayey ay xarunta maamulka dawladda Gobolka Hawd kulan kula yeesheen habeen hore 12 oday iyo caaqil ka soo jeeda degaankaas, kuwaasoo uu ka dalbay inay soo qaddimaan baahiyaha kala duwan ee bulshada reer Balligubadle u baahan yihiin in xukuumaddu wax kala qabato, balse kala kulmay hungo madhan, kadib markii odayaashaasi hordhigeen weftiga ballanqaadyo fara badan oo xukuumadda UDUB hore ugu samaysay, laakiin aan waxba ka fulin, sidaa awgeedna u caddeeyeen in aanay shacabka reer Balligubadle waqtigan diyaar u ahayn aqbalaadda ballanqaadyo aan waxba ka duwanayn kuwii hore, iyadoo arrintaasina guuldarro iyo wejigabax siyaasadeed ku noqotay Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weftiga uu horkacayey ee xisbiga UDUB.

“Annigu waxaan joogay dibbadda, wixii odayaasha iyo waftiga madaxwayne-ku-xigeenku ka wada hadleenna waxba iguma seegana. Waxa loo yeedhay 12 oday (laba iyo toban) oo reer Balligubadle ah iyo caaqil. Waxa madaxwayne-ku-xigeenka iyo xubnihii la socday oo uu ku jiray xoghayaha guud ee UDUB ay odayaasha waydiiyeen waxyaabaha baahiyahooda ah ee ay doonayaan in xukuumaddu wax kala qabato. Dabadeed odayaashii iyo caaqilkii waxay madaxwayne-ku-xigeenka ugu jawaabeen, wixii aad hore noogu qaban wayday ee aannu muddada dheer idinka sugaynay maanta oo doorashooyin lagu jiro noo qaban maysaan oo ballamahii hore ee xukuumaddu u qaaday reer Balligubadle ilaa hadda looma fulin ee sheekadiinu waa ‘Habar dhali wayday alleelo ku waalatay,’ fadhigiina iyadoon waxba la iskula meel dhigin ayaa lagu kala kacay,” ayuu yidhi Md. Digaale.

Xildhibaan Xuseen Digaale oo la weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha ay xukumaddu hore ugu balan qaaday ee ilaa hadda fulin, waxa uu ku jawaabay; “Waxyaabah ilaa hadda aan fulin ee reer Balligubadle loo ballanqaaday waxa ka mid ah, laba mishiin oo kuwa laydhka ah oo madaxwayne-ku-xigeenka laftiisu ballanqaaday in Balligubadle la siin doono mar uu booqasho ku soo maray, kuwaasoo aanay ilaa hadda waxba ka hirgelin. Waxa kaloo ka mid ahaa waddo isku xidha Hargaysa iyo Balligubadle oo iyadana aaney ilaa hadda waxba ka fulin, waxa isna jiray riig hore deegaanka loogu ballanqaaday oo isna aan la arag. Waxa iyana jira ballanqaadyo badan oo ay xukuumaddu u samaysay Gobolka Hawd oo aan waxba laga arag.

Odayaasha la kulmay madaxwayne-ku-xigeenka niyad-jab ayaa ka muuqday, laakiin waxay madaxwayne-ku-xigeenka u sheegeen in haddii waxyaabaha ay ballanqaadeen fulinyaan inta ololaha ka hadhay ay soo dhowaynayaan, haddii kale sheekadoodu u muuqato waxyaabah ay UDUB ku ololaysanayso ee aan xilligan ka soconayn.”

Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayey oo maalintii Sabtida u tegey magaalada Balligubadle si uu xadhigga uga soo jaro dhisme cusub oo loogu talogalay xarunta maamulka Gobolka Hawd, ayaa degaankaas ka bilaabeen ololeyaal uu taageero siyaasadeed ugu raadinayey xisbigiisa UDUB, haseyeeshee sida wararku tibaaxeen waxa weftigu xalay kala soo hoyday wejigabax iyo fara madhnaan ay kala soo kulmeen shacabka degaankaas.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dabayaaqadii toddobaadkii la soo dhaafay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin u magacaabay inuu gadh-wadeen ka noqdo hoggaaminta ololaha xisbiga UDUB ugu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada Somaliland ee loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 26-ka bisha ee berri
Digaalenews

Casillas oo record cusub dhigay



DigaaleNews—goolhaye Iker Casillas ayaa noqday ciyaaryahanka 2aad ee ugu safashada badan xulka Spain markii uu ciyaaray kulankii ay 3-2 kaga adkaadeen Saudi Arabia.

Goolhayaha Real Madrid wuxuu saftay kulankisiii 103aad isagoo u ciyaaray xulka horyaalnimada yurub heysta ee Spain , wuxuuna ka hoos maray goolhayihii kale ee xulkaasi—Andoni Zubizarreta, oo ah ninka heysta kulamada ugu badan ee xulkaasi loo safto , wuxuu ku hyestaa 126 kulan.

Casillas wuxuu horey u soo jabiyay recordkii uu heystay saaxiibkiisa ay Real Madrid u wada ciyaaraan ee Raul Gonzalez laakiin xalay ayuu dhaafay.

Casillas wuxuu kulankiisii ugu horeyay ee uu u safto xulka uu ahaa kii ay 1-1 la galeen Sweden sanadkii 2000 hayeeshee laga soo bilaabo 2002 wuxuu noqday goolhayaha 1aad ee xulka.

Casillas, oo laga dhaliyay taariikhdiisa ciyaaraha 59 gool, wuxuu ahaa captain-kii Spain ee ciyaarihii Euro 2008 ay koobkiisa qaateen.

Sidoo kale David Villa, oo gool ka dhaliyay kulankii xalay Saudis, ayaa wuxuu 7 gool u jiraa xiddiga heysta record gool dhalinta ee xulka spain Raul oo ku heysta 44 gool.

Xaaladda Buuhoodle oo kacsan iyo Wararkii U dembeeyay Degaankaas.




Burco(Digaaelnews)-. Xaaladda magaalada Buuhoodle ayaa kacsan kadib markii subaxnimadii hore ee saaka ay ciidankii Itoobiya ee ku sugnaa halkaasi ay kaxaysteen

dhammaan gaadiidkii iyo agabkii kale ee ay gacanta ku hayeen lahaayeenna dadweynaha deegaanka Buuhoodle.

Gaadiidkan oo tiradoodu dhamayd 17 Baabuur oo ay lahaayeeen ganacsatda reer Buuhoodle ayaa la sheegay inay Itoobiyaanku ula kaceen dhinaca Itoobiya lamana garanayo sababta keentay arrintan, maadaama wadahadal iyo shirar u socdeen odayaasha deegaanka iyo saraakiisha Itoobiyaanka, isla markaana hore loogu celiyey Itoobiya hubkii iyo qoryihii ay dadweynaha deegaanka Buuhoodle ka hayeen.


Mid ka mid ah bulshada reer Buuhoodle oo TOGDHEER,NEWS U waramayay ayaa sheegay in xaaladda magaaladu kacsan tahay, isal markaana qaybo ka mid ah magaalada ay ka bilaabmeen qax iyo baro-kac cusub oo ka dhashay markii bulshadu ogaadeen in Itoobiyaankuu ay kaxaysteen gaadiidkii laga sugayey inay soo celiyaan iyo hantidii kale ee ay hayeen, taasina ay meesha ka saartay waanwaantii iyo wadahadalladii u socday labada dhinac ee kala ahaa odayaasha deegaanka iyo saraakiisha Itoobiyaanka ah.


Tallaabadan ayaa muujinaysa inay midho-dhal noqon waayeen go’aamadii ay hore isula gaadheen labada dhinac,waxaana wararku sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka ay soo buuxiyeen xerada ay ku leeyihiin dhinaca ay ka deggan yihiin magaalada Buuhoodle.


Sidoo kale saraakiisha Itoobiya wax jawaab ah ama hadal ah kamay bixin sababta keentay inay xilligan gaadiidka ay hayeen u gudbiyaan dhinaca Itoobiya,bulshada deegaankaas ayaa walaac badan ka muujiyey arrimahan ka soo cusboonaaday deegaanka, kuna tilmaamay bilow colaad hor leh.


Labada todobaad ka hor ayey ahayd markii dagaal u dhaxeeya dadweynaha deegaanka iyo ciidanka Itoobiya uu ku xhex maray magaalada kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadha labada dhinacba

DigaaleNews

Burcad lagu soo qabtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.



Baydhabo:DigaaleNews- Burcad dhibaatooyin ka geysta wadooyinka isku xira magaalooyinka baydhabo iyo muqdisho ayaa lagu soo qabqabtay ka dib howl gal ay sameeyeen ciidamo ka tirsan xisbul islaam

Ciidamada Maamulka Xisbul islaam ayaa deegaanka Yaaqbariweyne ka qab qabtay ku dhawaad 5 ruux oo burcad ah kuwaas xili ay howlgalo ka sameynayeen tuulooyin hoostaga degmooyinka Buur hakaba iyo Wanlawayn.

Ciidamada Maamulka Xisbul islaam ee deegaanka Yaaqbariweyne ee ah deegaanka isku xira gobolada baay iyo shabeelaha hoose ayaa howlgalo ay ka sameeyeen 48-kii saac ee la soo dhaafay tuulooyin ku dhow dhow deegaankaasi waxaa ay ku soo qab qabteen ilaa 4 ruux oo lala xariirinayo in ay ku lug leeyihiin falal ammaan daro oo mudooyinkii ugu dameeyay ka taagnaa wadada dheer ee Xariirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba oo ka kala tirsan Baay iyo shabeelada hoose .

Kooxahaani ay ciidamada Maamulka Xisbul Islaam gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay inay ku dhuumaalaysanayeen deegaano ka tirsan deegaanada hoodka ah ee gobalka baay sida uu inoo xaqiijiyeen maamulka ka aramiya degmada Buur hakabo.

Waxaa ay sheegeen in kooxahaasi ay xabsiga u taxaabeen islamarkaana ay damacsanyihiin in dhawaan ay maxkamad soo taagaan haddii ay ku cadaato dambiyada lagu heysatana ay marsiin doonaan Shareecada Islaamka.
Digaalenews
Talaabada dadkaani lagu sheegay in ay yihiin burcada lagu soo qab qabtay ayaa waxaa soo dhaweeyay wadayaasha gaadiidka isticmaala wadada dheere ee xariirisa gobolada baay iyo shabeelada hoose halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagnaayeen falal ammaanka lidi ku ah oo shacabka deegaanaasi walwal horleh ka muujiyeen.

dimanche 30 mai 2010

Xafiiskii UNIVERSALTV oo la Xidhay Iyo Al Shabaab oo joojisay




Muqdisho(Digaalenews)-Afhayeenka Maleeshiyaadka Alshabaab Cali dheere ayaa sheegay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Taleefishinka Universal





, kadib markii uu sheegay in uu baahiyey sawir gacmeedyo lagu aflagaadeynayo Nabi Muxammed NNK.

Cali Dheere ayaa sheegay in baahinta sawiradaas ay ka dhigan tahay in dadka la tusiyo in ay furan tahay in la aflagaadeeyo Ras’uulka, waxa uuna ugu baaqay maamulka Universal TV in ay ka toobad keenaan falkaas, si cadna u qirtaan in ay galeen gef weyn.

Sawir gacmeedyada la sheegay in lagu aflagaadeynayo Nabigeena Naxariisi dushiisa ha ahaatee ayaa qeyb ka ahaa war uu xalay ka soo diray dalka Koonfur Afrika wariye halkaasi ugu soo warama taleefishinka Universal.

Dhanka kale war ka soo baxay xafiiska Universal Tv ee muqdisho ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin sawiradii aan sida ku talagalka aheyn loogu baahiyay warbixinta uu wariyaha talafishinkaasi ugu soo warama Koonfur Afrika ku soo diray, taasoo ku saabsaneyd cabashooyin ay muslimiinta dalkaaas ka sameeyeen Sawir gacmeedyo lagu aflagaadeynayo Nabi Muxammed NNK oo lagu daabacay qaarka mid ah jaraa’idka ka soo baxa dalkaasi Koonfur afrika.

Howl-wadeenada Tvga Universal, ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u joojinayaan howlaha magaalada Muqdisho.

FIFA oo system-kii ticket-da uu ka qarimay




DigaaleNews—Ku dhawaad 700 oo ruux ayaa ku niyad jabay qaadashada ticket-da koobka aduunka ay ku gali lahaayeen iyadoo qaban qaabiyaasha koobka aduunka ay ku hanjabeen iney xiri doonaan xarunta ticket bixinta maadaama ay shaqeyn weysay xilli ay dadka dalkaasi ay safaf dhaadheer ku jiraan.

Maalintii shalay aheyd dadku waxey awoodi waayeen in ay hal ticket ah xitaa iibsadaan iyadoo qalabka meesha yaala ay ku jiraan 160,000 ticket-da ah ,wali waa la heli karaa laakiin waxey dhibaato ka taagantahay sidii loo iibsan lahaa.

FIFA waxey sheegtay in qalabkeeda ay ku bixineysa ticke-da uu qarimay oo uu shaqeyn waayay iyadoo taasi ku sifeysay cilado farsamo taasoo saameysay dhamaanba qalabkii ay ku jiraan tickte-deeda, xitaa waxaa ku jira qalabkii yaalay xarunta FIFA.

FNB, oo ah bank FIFA u qaabilsan iibista ticket koobka aduunka ee dalka South Africa, ayaa sheegtay in in qalabka ay ku jiraan ticke-da FIFA uu halaabay shalay markii uu culeys keenay.

Waxey intaa ku dartay FNB iney aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya xilli system ticket-da FIFA uu dib u shaqo bilaabi doono.

Madaxa gudiga qaban qaabada koobka aduunka Danny Jordaan ayaa sheegay inuu raali galin buuxdo u dirayo taageerayaasha 2 maalin safafka ugu jiray helitaanka tickte ee aan helin wali.

Xulashadda Web Nin ku dabaalanaaya Gacmo la'aan iyo lugo la'aan Waa Cajiib !!

Dadka Reer Buuhoodle oo Maanta Cidamadda Itoobiya Kala Wareegeen Gaadid ay lahaayeen


Ciidmada Etoobiya oo La Wareegay Gadiid Ay Lahaayeen Dadka Deegaanka Buuhoodle


BUUHOODLE(DigaaleNews)- Waxaa habeenkii xalay ahaa la wareegay 17gaadhi oo ka mid gaadiidka laga leeyahay degaanka Buuhoodle Ciidmada Dawlada Federaalaka ee Etoobiya kuwaasi oo u kaxaystay dhankaas iyo afdhiisimada ay ku leeyihiin xuddudka dhankooda.
Gawadhidan la kaxaystay oo tiro ahaan dhan 17gaadhi ayaa waxay yihiin kuwo dhamaantoodaba laga leeyahay deegaankaasi.

Arintani oo dhacaday xalay saqdii dhexe ayay saaka dadku marakay soo tooseen ku waabariisteen arintani foosha xun ee magaalada ka dhacday taas oo keentay in odoyaasha magaalada iyo culumaydiintuba ay ku wacyigeliyaan dadka deegaankaasi inay ka dheeraadaan wax kasta oo iku dhac labaad ka dhex abuuri kara ciidamada dalaka itoobiya iyo iyaga.

Gaadiidkan ay la wareegeen ciidmada Etoobiya ayaa lagu soo waramaya inay saaranyihiin saanado kala duwan sida Hub kaas oo warar aan la xaqiijin ay tibaaxayaan in hubkaasi yahay mid ay leeyihiin maleeshiya beeleed dhawaan samaysnatay oo la magic baxaday SSC kuwaasi oo indhaweydba ku heelanaa hagardaamayta xuduudaha Somaliland ee Deegaanka Buuhoodle.

Ciidamada dalka etoobiya ayaa iyagu ayaamahanba u muuqday kuwo qorshaynayay qorshayaal ay ku doonayaan inay deegaankaasi ka safeeyaan Jabhadaha ka jira kuwaasi oo ay amaan ahaan ku tilmaameen inay yihiin kuwo dib u dhac ku keeni kara amaanka guud ee mandaqada.

Ugu Danbayntii waxaa maanata laga dareemayay magaalada Buuhoodle sansaan colaadeed oo ka dhalankarata gaadiidkan ay kaxaysteen ciidmada etoobiya taas oo dadka ku dhaqan magaaladana ay qaarkoodba iminka bilaabeen barakac hoose oo ay ka sii durkayaan meelaha u dhaw fadhiisimada Ciidamada dalaka Etoobiya ku leeyihiin magaalada Buuhoodle.

samedi 29 mai 2010

3-Bisha Juun oo loo Cayimay maalinta uu bilaamidoonaan Olalaha Doorashadu.

Hargeysa(Digaalenews)- Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir jaraa´id ku qabtay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa,


halkaas oo uu kaga dhawaaqay wakhtiga uu bilaambayo ololaha doorashada Madaxtooyada.

WaxaanU shaaca ka qaaday in 3-da JuUne uu si rasmi ah u bilaabmi doono ololaha doorashada Madaxtooyada, isla markaana uu socon doona muddo sadex todobaad ah.


Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaanu maanta ku dhawaaqaynaa Komishan ahaan xiliga rasmi ahaan uu u bilaabmi doono olalaha doorashada Madaxtooyada waxaanu bilaabmi doonaa 3-da Bisha June oo ku beegan Maalin Khamiis ah waxaanu socon doonaa Muddo sadex Todobaad ah olaluhu wuxuu xidhmayaa maalin Arbaca ah oo ku beegan 23-ka Bisha June,waxaanu xisbi kastaa yeelan doonaa hal todobaad hase yeeshee maalmihiisa iskuma wada xigayaan.”

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Maalinta koowaad waxa olalaha samaynaya xisbiga UDUB, maalinta ku xigtana xisbiga KULMIYE maalinta sadexaadna xisbiga UCID sidaasi ayuu u socon doonaa."

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu u soo jeediyey Maayarada Magaalooyinka iyo Badhasaabada Gobolada inay xisbi walba maalintiisa u tix geliyaan, oo ay ka caawiyaan sidii ay olalahooda ugu qabsan lahaayeen fagaareyaasha.

Waxa kale oo uu Xisbiyada kula dardaarmay inay ku dhaqmaan oo tixgeliyaan jadwalka doorashada ee loo qaybiyey, isla markaana waxa uu faray xisbiyada in anaay Fagaareyaasha tagin oo aanay ku orinin xisbiga maalintaas u leh ololaha.

Waxa kale oo uu dadweynaha u soo jeediyey inay si nadaamsan oo bilaa tuxxaan ah uga qayb-qaataan ololaha, isla markaana maalinta doorshada ay si nabad-gelyo ah ku codeeyeen, isaga kula dardaarmay in aan qaadan kaadhadha codaynta inay qaataan, si ay uga qayb-qaataan doorashada.

vendredi 28 mai 2010

Komishanka Doorashooyinka oo Shaaciyey Waqtiga la soo Saarayo Tirada Dadka ka Qaybgalaya Doorashada




Hargeysa (Digaalenews)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa ka xog-warramay halka ay marayso wejiga labaad ee hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta oo si rasmi ah uga




socota dhammaan degmooyinka dalka Somaliland .

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Mr. Maxamed Axmed Xirsi oo shir-jaraa’id shalay ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa isagoo warbaahinta uga xog-warramayey wejiga labaad ee beddellaadda kaadhadhka cusub ee codbixinta ee doorashada, waxa uu yidhi; “Waa Ilaahay mahaddii oo si wanaagsan bay innoogu socotaa hawshaasi. Toddobadii casho ee goobaha la dhigayna si wanaagsan bay innoogu dhaceen, tobankan casho ee dambe ee aynu heer degmo dhignayna si wanaagsan bay innoogu socotaa. Si aanaan filayn ayey runtii aad ugu socotaa.

Way jiraan dad meelo fog-fog deggan oo metelan xuduudda agteeda ama meelo ka shisheeya oo ay ku adag tahay inay soo gaadhaan markii aannu degmadii ku soo celinay, laakiin haddana si wanaagsan bay u socotaa oo kormeerkii aannu saaka [shalay] ku soo marnay si caaqiibo leh ayey arrimuhu u socdaan.”

Waxa kaloo afhayeenku shaaca ka qaaday in dhowaan la soo saari doono tirada rasmiga ah ee dadka qaatay kaadhadhka codbixinta ee ka qaybgali doona doorashada Madaxtooyada ee soo socota, kadib marka uu dhammaado wejiga labaad ee qaashada kaadhadhka ee hadda dalka ka socda.

Heesaagii furi lahaa koobka aduunka oo dhintay




DigaaleNews—Qaban qaabiyayaasha koobka aduunka ayaa shaaca ka qaaday in uu dhintay mid ka mid ah fanaaniinta lagu waday iney heesaha ka qaadaan ciyaarta furitaanka ee koobka aduunka markii uu u geeriyooday xanuun mudo yar hayay.

Hadal ay xalay soo saareen qaban qaabiyayaasha, waxey ku sheegeen in Siphiwo Ntshebe oo uu u soo xushay madaxweynihii hore ee South Africa Nelson Mandela in uu ka heeso xaflada furitaanka ka hore inta aan la ciyaarin ciyaarta furitaanka June 11 uu dhintay.

Madaxa qaban qaabada koobka aduunka Danny Jordaan ayaa yiri, “aad ayaan ugu murugeysanahay maqalka na soo gaaray ee ah in fanaankii da’da yaraa uu dhintay. Wuxuu ah fanaan firfircoon kaasoo waday fariinta koobka aduunk lagu gaarsiinayo aduuka kale.”

Shariif Xassan oo loo doortay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya






Muqdisho-(digaaleNews)-Wasiirkii hore ee maaliyadda XKMG Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku guuleystay doorashadii maanta ka socotay Golaha Shacabka Muqdisho islamarkaana lagu dooranayay gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa helay inta badan codadka, waxaana musharaxiintii la tartameysay qaarkood ay ka tanaasuleen musharaxnimadooda wareegyadii xigay.

Gudoomiyaha cusub ayaa lagu dhaariyay isla guriga baarlamaanka, isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad gaaban.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii uu Shariif Xassan iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumadda r/wasaare Cumar C/rashiid si uu isugu soo taago jagada gudoomiyaha Baarlamaanka.

Afar Qof ayaa ku Dhaawacmay, halka midina Ka Dhintay kadib markii Maleeshiyadda Shababku Weeraray ku qaaden Tuulo Ku Taal Kenya


Al-Shabaab oo weerartay tuulo ku taal gudaha Kenya





kenya-(DigaaleNews)- Maleeshiyaad ku hubeysan hubka fudud iyo bambooyinka gacanta laga tuuro ,islamarkaana ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Soomaaliya ayaa lagusoo waramayaa in ay weerareen habeenkii xalay ahaa tuulo ku taal gudaha dalka Kenya oo lagu magacaabo Dadujabula.

Shanruux oo midi uu dhaawac u geeriyooday ayaa weerarkaasi ku waxyeeloobmay, waxeyna maleeshiyaadku ay horay usoo kaxeysteen sadex ruux oo ay afduub ahaan usoo wateen.

Ma cada wali ujeedka ka dambeysa weerarkani, balse waxa uu kusoo aadayaa xilli ay horjoogayaal ka tirsan kooxda al-Shabaab ay dhawaan u hanjabeen xukuumadda Kenya .

Warar hore ayaa sheegaya in gudaha dalkaasi Kenya lagu tababaray ciidamo Soomaali ah kuwaasoo la qorsheynayo in ay howlgal ku wajahan Islaamiyiinta ka bilaabaan gobolada Jubooyinka.
DigaalNewsale

jeudi 27 mai 2010

Xulashada Webka 2jir caba maalintii 40-sigaar ah ee Yurub






Indonesia (DigaaleNews)Labo jir u dhashay dalka Indonesia islamarkaana caba maalintii 40-sigaar ah ayaa soo jiitay indhaha caalamka kadib markii laga soo duubay film muujinaya qaabka uu sigaarka u cabo iyo sida uu ugu jeesteeyo sigaarka markuu cabayo.

Saqiirkan laba jirka ah oo lagu magacaabo Ardi Suganda Rizal ayaa bilaabay cabida sigaarka markii uu ahaa 18-bilood jir, sida ay waalidkiisu cadeeyeen, waxaana uu kaga tuuraa calaa maalin 2 baakad oo sigaar ah oo labaatanle ah.

Waalidkiisa ayaa ku qarash gareeya wiilkan maalinkii lacag u dhiganta shan dollar iyo bar iyadoona lacagtaasi looga soo bixiyo laba baakadkad oo sigaarka ah, waana lacag u dhiganta tan bishii oo dhan loogu soo iibiyo caanaha uu cabo.


DAAWO FILMKA WIILKAN


Dowladda dhexe ee gobalka wiilkani uu ku nool yahay ee Sekayu, Sumatra, Indonesia ayaa u balanqaaday waalidka dhalay wiilkan in ay abaal marin siinayaan hadii uu joojiyo cabidda sigaarka, balse waalidka ayaa sheegay in ay quus ka istaageen oo uu waliba ka jecel yahay sigaarka caanaha.

Waxa la sheegay in uu cabo oo kaliya hal nooc oo sigaarka ah, kaasoo uu ka helo xaraarad aan cabirkeeda la qiyaasi karin.

Aabaha wiilka oo lagu magacaabo Mohammed ayaanan isagu culeys weyn u arkin balwada wiilkiisa ee sigaar cabidda, waxaana uu sheegay in uu u arko caafimaadka wiilkiisa mid wanaagsan.

Boqolkiiba 25% ciyaalka dalka Indonesia ayaa caba amaba tijaabiyay cabidda sigaarka, mana jiraan sharciyo ka xarrimaya cabidda amaba u dhawaanshaha sigaarka.
DigaaleNews

Fabrigas Aabihii Oo sheegay in inankiisu rabo Kooxdiisi hore ee Barcelona



DigaaleNews —Cesc Fabregas wuxuu rabaa in uu aado Barcelona “sida ugu dhaqsiyaha badan,” sidaa waxaa laga soo xigtay captain-ka Arsenal Aabihii.

“Arsenal waa in ay xushmeysaa rabitaanka ciyaaryahanka,” Francesc Fabregas, oo ah aabaha isla markaana wakiilkiisa ah, ayaa u sheegay sidaasi Spain’s Radio Marca. “wada hadalada u dhexeeya Arsenal iyo Barcelona waxey u muuqdaan kuwo aad u jiitamaya. 2da dhinac waxey doonayaan iney wax yaabo badan ka wada hadalaan laakiin wali culeys xoogan ayaa jira.”

Fabregas waxaa si weyn loola xiriirinayaa inuu dib ugu noqon doono kooxdiisii hore, markaasoo uu ka tagay isagoo 16 sano jira h oo uu ku biiray Arsenal.

“waxaan dareemayaa in kooxda reer England aysan rabin in iibiyaan ciyaarayahankooda laakiin ugu danbeynta wuu baxi doonaa waan in ay ogolaadaan in uu Cesc baxo,” Francesc Fabregas ayaa sidaasi sheegay.

Agaasimayasha Barcelona mid ka mid ah oo la yiraah Joan Oliver ayaa sheegay in uu jiro wada hadal laakiin aan wax heshiis ah la gaarin.

Saxaafada Spanish waxey sheegeysaa in Barca ay rabto in ay iska soo gabagabeyso beeca 23-sano jirkaasi ka hore inta aan koobka aduunka loo dareerin, kaasoo bilaaban doona June 11.
Digaale News

‘26-ka June waa maalintii aynu Ingiriis khaarajinay, maantana kuwan ka liita ayeynu khaarajinaynaa




Hargeysa (Digaalenews)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa xaflado waaweyn u sameeyey kumanaan ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa oo soo bandhigay taageerada ay u hayaan


xisbigaasi.

Laba xafladood oo xisbigu si gooni gooni ah shalay ugu kala qaabilay dadweyne tiro badan xaruntiisa dhexe iyo huteelka Fish and Steack ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ka qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga, siyaasiyiin miisaan leh iyo taageerayaasha is muujinayey.

Xaflad ballaadhan oo gelinkii dambe lagu qabtay huteelka Fish and Steack ayaa xisbigu ku qaabilay kumanaan qof oo ka tirsan dadweynaha xaafadda Goljano ee degmada 26-ka June oo soo bandhigay cududa taageero ee ay u hayaan xisbigaasi, iyagoo sheegay inay taageeradooda iyo cududoodaba ay geliyaan xisbiga KULMIYE.

Xubno isugu jiray rag iyo haweenba oo matalayey taageerayaashaasi ayaa hadalo ay xafladaasi ka jeediyeen waxay xuseen in aanay ahayn dad ka soo baxay xisbi kale oo ku soo biiraya KULMIYE, balse ay yihiin taageerayaal xisbiga ah oo muujinaya awooddooda taageero oo ay ugu diyaargaroobayaan doorashada fooda inagu soo haysa.

Masuuliyiin badan oo xisbiga ka tirsan oo khudbado u jeediyey dadkaasi ayaa uga mahadnaqay dadkaasi sida ay isu soo abaabuleen ee ay u muujiyeen taageeradooda ay u hayaan xisbigooda.


Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa madaxda KULMIYE ee taageerayaashaas la hadlay, ayaa khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyey, waxa uu kaga hadlay arrimo kula duwan oo ay ka mid yihiin u diyaargarowga doorashada Madaxtooyada, eedaymo uu dusha ka saaray xukuumadda iyo xisbigeeda talada haya iyo dardaaran uu dadweynaha siiyey.

“UDUB in aanay ahayn dad sii jiraya waxaad ka garanaysaa siday wax u boobayaan, taariikhdana waxay ku gelayaan rajiim xun oo ina soo maray. Nimanka wasiirada ah ee iyagoo mushaharkii dawladda qaadanaya, baabuurkii dawladda wata oo isticmaalaya shidaalkii dawladda ayaa haddana ololaynaya, wasiirku waa shaqaale dawladeed oo dadka u dhexeeya haddii uu olole galayo waa inuu iscasilaa, laakiin arrintaasi waa edab-darrada ugu way nee maanta dalka haysta,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi, waxaannu intaa ku daray, “26-ka June waa maalin wayn, waa maalintii aynu Ingiriis khaarajinay, maantana kuwan ka liita ayeynu khaarajinaynaa ee codkiisa hala habsaamina, khaadhkiina yaan la idinka sasaban, waa wax weligeedba Faqashtu ku soo caano-maashay ilaa rajiimkii Ina Siyaad Barre laaluushkaas ayey wax siisanayeen.”

Sidoo kale, waxa xisbigu shalay gelinkii hore xaflad soo-dhaweyn ah ku qaabilay xaruntiisa dhexe boqolaal dadweyne ah oo ka soo jeeda beesha Maxamed Isaxaaq (Cabbaas) oo iyaguna soo bandhigay taageeradooda, kuwaasi oo sheegay inay isugu soo baxeen xoojinta xisbiga KULMIYE.

Caaqil Cali Aadan oo ka mid ahaa dadweynahaasi oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in beeshiisu iyadoon cidi soo abaabulin, isla markaana aan ka soo bixin xisbi kale markay arkeen xaaladda dalka ay go'aansadeen inay si buuxda u taageeraan xisbiga KULMIYE, soona bandhigaan.


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka qaybgalay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey taageerayaashaasi oo uu sheegay inay u yihiin dhiirigelin wayn, isagoo ku dhiirigeliyey inay u diyaargaroobaan doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 26-ka bisha June oo uu ku tilmaamay mid muddo badan dadku sugayeen, balse xukuumadda talada haysaa dabada haysa.

“Dhibaato badan ayuu dalku soo maray, nabadgelyada ayaa la waxyeeleeyey, dhaqaalaha dhibaatooyin ayaa soo gaadhay, cadaallad-darradaa dhacday, xabsiga iyo xadhiga dad badan lagula kacay waynu ognahay. Intaas oo dhan xisbiga KULMIYE iyo taageerayashiisu waxay u yeesheen sammir, waxay u yeesheen adkaysi, waxay qadarinayeen dadweynaha, waxay kalsooni ku qabeen maalinta doorasho la galo inay heli doonaan kalsoonida shacabka.

Waxa innoo ballan ah in aynu noqono kuwa ilaaliya nabadgelyada, waynu arkaynaa turunturooyinka iyo caqabadaha ay maalin walba dhigayso xukuummad,” ayuu yidhi Axmed-siilaanyo.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan iyo odayaal, haween iyo dhallinyaro ka mid ahaa taageerayaasha xaflada loo qabtay, waxaanay dhammaantood isku raaceen in dalka looga baahan yahay isbeddel siyaasadeed oo dhaca.

DigaaleNews

Faysal Cali-waarabe iyo wefti uu hoggaaminayey oo si la Yaable loogu soo dhaweeyey magaalooyinka




Faysal Cali-waarabe iyo wefti uu hoggaaminayey oo si la Yaable loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale & Ciidamo boolis ah oo la duldhigay hudheelkii uu ku degay

Wajaale (DigaaleNews)-Dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley, ayaa soo dhaweyn baaxad leh oo aan loo kala hadhin ku qaabiley Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo wefti culus oo uu hoggaaminayey, kuwaas oo kormeer-hawleed shalay ku soo maray deegaannadaasi.

Eng. Faysal Cali-waraabe iyo weftigiisa oo ay xubno ka ahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee UCID Md. Aadan Mire Waqaf, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Md. Aadan Fag-fagaash, Xoghayaha Guud ee UCID Md. Muuse Xaaji Muxumed Guuleed (Muuse Inji) iyo Guddoomiyaha Ololaha doorashada madaxtooyadda Dr. Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox) oo toddobaadkan xilkaasi loo magacaabay iyto masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan, ayaa shalay gaadhay magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale,kadib markii ay ka ambabaxeen magalada Gabiley oo ay habeen hore u hoyden.

Hadaba waxa soo dhaweynta iyo booqashada weftiga UCID ee magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale warbixin ka diyaariyey weriye Najax Aadan Cunaaye oo ka tirsan shabakada Hadhwanaagnews oo weftiga ku wehelinayey booqashadooda, warbixintaasi oo faahfaahsana waxay u qornayd sidan;

“Guddoomiyaha xisbiga UCID oo lugtiisii koowaad waxa uu ka bilaabay magaalada Kala baydh, isaga oo halkaasi kala hadlay dadweyne aad u tiro badan oo ku soo xoomay markii ay arkeen hugunka gaadiidka Guddoomiyaha galbinayey.

Eng.Faysal Cali-waraabe oo la hadlayay dadkii soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay waxa uu tilmaamay in haddii uu doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay 26 June dalka ka dhacdo ku guulaysto uu wax ka qaban doono waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto, isla markaana ay ka gaabisay xukuumadu.

Intaa ka dib waxa Guddoomiyaha iyo weftigiisu u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Waajale, iyada oo ay duleedka magalada kaga horyimaadeen dadweyne aad u fara badan, waxaana loo galbiyey dhinaca xarunta uu xisbigaasi ku leeyahay magaalada Wajaale, halkaas oo uu kula hadlay boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID, isaga oo Faysal Cali-waraabe dadweynaha uga sheekeeyey taariikhda xisbiga UCID.


Guddoomiyaha ayaa dadka ku dhaqan magaalada Wajaale uga mahadnaqay sida fiican ee ay soo dhaweeyeen.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu dadka reer Wajaale kula dardaarmay in maalinta ay gaadho codbixinta ay sida ugu fiican ugu soo dareeraan isla markaana ugu coddeeyaan xisbiga UCID ee uu ka sharaxan yahay.


Guddoomiye faysal Cali-waraabe ayaa dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in gaadiidka iyo agabka ka yimaada dhinca dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia ay si bilaa hadal ah u soo gaadhaan gudaha Somaliland, halka buu yidhi alaabta iyo bagaashka ka taga dalka Somaliland ay si dhuumasho ah ku gaadhaan dalkaas waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Walaalayaal haddii aanu doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka dhacdo aanu ku guulaysano waxa aanu joojin doonaa gudniinka fircooniga ah oo la arki maayo islaan yar oo mindiyo sidata, waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa cusbitaaladeena oo iyana dib u dhici mayso in ay haweenkeeni isku go’aan ama ay umul arooraan, waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa haddii uu alle yidhaahdo camal la’aanta, waxa kale oo haddii aad na doorataan aanu wax ka qaban doonaa tahriibta.



Walaalayaal waxa ayaan-darro ah in gaadiidka ama dadka alaabada u sida dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia ay dhuumasho ku galaan, halkaas ay gaadhaan iyaga oo la dhacay ama la qabqabtay halka ay inaga dadka ka soo jeeda dalka Ethiopia si xor ah u soo gaadhaan dalkeena, haddii aad na doorataan walaalayaal taasi dib u dhici mayso, waxa aanu todobaadka ugu horeeyaba u hawl geli doonaa sidii aanu isu soo hor fadhiisan lahayn maamulka dalkaas isla markaana waxa aanu kala hadli doonaa sidii aanay u dhici lahayn in uu dalba dalka kale ay dadkiisu si tuugo wax u gelin lahaayeen.”

Geesta kale guddoomiye faysal ayaa mar uu la hadlayay taageerayaashan tirada badan ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ballan qaaday haddii uu doorashada madaxtooyada ku guulaysto in aanay dhici doonin in xaaskiisu ay dalka ka taliso waxaanu yidhi “Walaalayaal haddii aan doorashada madaxtooyada ku guulaysto waxa aan idiin sheegayaa in aanay xaaskaygu talada dalka waxba ku yeelan doonin, cid wax ka weydiinaysaana aanay jirin, waxaanu xisbiga UCID ogolyahay in haweenku ay joogaan guryahooda oo ay ka shaqaystaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Waxa kale oo uu xukuumada uu madaxweyne daahir rayaale ku eedeeyay in ay boobtay hantidii qaranka isla markaana saaka oo ugu danbaysay ay iibisay garoonkii kubada cagta ee magaalada Wajaale.

Waxa kale oo isna dadka reer wajaale khudbad u jeediyay xoghayaha guud oo shaaca ka qaaday in xisbiga UCID uu yahay ka keliya ee hanan kara maamulka.


Guddoomiyaha iyo waftigiisii ayaa markii ay dhamaysteen khudbadii ay u jeediyeen dadka reer Wajaale u soo jarmaaday dhinaca xaafadaha magaaladaas iyada oo uu guddoomiyuhu si gaar-gaar ah u gacan qaadayay dadka “Miyaad leedihiin cusbitaalo, miyaad leedihiin xanaanooyin, miyay caruurtiinu heshaa waxbarasho………” ayuu Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal cali waraabe waydiiyay hurin haween ah oo markii ay arkeen muuqiisa isu soo taagay dariiqa, waxaanay ugu jawaabeen isla markaana afkooda ka soo baxday “May guddoomiye, xukuumada maanta joogta magac mooyaane manfac kama hayno..”Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay in inta ka hadhay cimriga xukuumada maanta joogta ay carruurta siiyaan taxliisha waxaanu yidhi “Walaalayaal waxa aan idin odhan lahaa cimrigii xukuumada maanta joogtaa wuu soo gaabtay, markaa inta ay ka dhacayso carruurta taxliisha iinoo siiya……..”

Si kastaba ah ahaatee socdaalka Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa si weyn looga dareemayay magaalada Wajaale, waxaana hudheelkii uu ka degay si raabo-raabo raabo ah u soo gaadhay boqolaal ka mid ah waxgaradka, culimada, ganacstada iyo taageerayaal iyada oo uu Guddoomiyaha degmada wajaale ciidan soo dul dhigay, ka dib markii uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga UCID uu kaambayn ka dhex waddo deegaanka.”

Eng. Faysal Cali-waraabe oo Jamhuuriya habeenkii Salaasada u waramay, ayaa sheegay in xisbiga UCID uu inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegay dadweynaha reer Gabiley oo uu sheegay in xidhiidh qoto dheeri ka dhexeeyo xisbigiisa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha degmada wajaale Qawrax Muuse Xuseen, ayaa ayaa goor dhaweyd ciidan xoogan soo dul dhigay huteelka Centeral Hotel oo uu Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID iyo waftigiisu ay ku soo degeen, ka dib markii uu ku eedeyay in ay ka hadleen arrimo siyaasadeed.


Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo la hadlayay boqolaal ka mid ah dadka ku dhaqan degmada wajaale ayaa xukuumada dhabarka u saaray eedo ay ka mid tahay in ay isla maanta iibisay garoonka kubada cagta ee Magaalada Wajaale.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha sarsare ee xisbiga UCID kula garnaqsanayay huteelka isaga oo wata ciidamo ka tirsan booliska degmada isla markaana ku dacwoonaya in ay ka hadleen arrimo kicinaya shacabka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aadeer marka uu guddoomiyuhu leeyahay waxa la iibiyay garoonkii kubadda cagta saw maaha kicin shacab” ayaa ka mid ahaa hadalo uu guddoomiyuhu kula doodayay qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee xisbiga UCID.

Ciidanka uu watay Guddoomiye Qawrax oo lagu arkayay albaabka hore ee ay ku jiraan Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo saraakiisha sarsare waftigiisa ku wehilnaysay ayaan wax dhibaato ah u geysan waxaanay hadba dhegta uu dhigayeen amar ka soo baxa Guddoomiye Qawrax, balse waxa ay arrintu markii dambe ka degtay sidii ay ahayd, waxaana la hadlay xoghayaha guud ee xisbiga UCID Muuse Muxumed Guuleed.

Si kastaba ha ahaatee waxa gelinkii hore ee shalay ayciidamo boolis ahi weftiga UCID kaga horyimaadeen duleedka bari ee magaalada Wajaale, kuwaasi oo amar ku bixiyey in aanay magaalada la geli karin calan babanaya

Burco DigaaleNews

mercredi 26 mai 2010

Mudaharaadyo laga soo Horjeedo Golaha Deeganka Oodweyne oo Maanta dhacay



Burco(DigaaleNews)-Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo Golaha Degaanka Oodweyne ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi.


dadaweynahan mudaharadayay oo sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin Halku dhegy lagu diidan yahay Xubnaha Golaha Degaanka
islamrkaana banaanbaxayaashu ku dhawaaqayeen Hadalo ay ku dalbanayaan in ay is casilaan Xubnaahsi Golaha degaanka,ayaa isugu soo uraray xarunta maamulka Goblkaasi,halakasoo uu badhasaabku kula hadlay dadkaasi.

GOORDHOW KA DAAWO DIGAALENEWS ISAGOO MAQAL IYO MUUQAALA.

digaalenews Desk

Madaxwaynaha Rayaale Oo Maant magacaabay Gudiga Dar dargelint Doorashooyin Udub


Hargesay (DigaaleNews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta magacaabay guddi uu Gudoomiye uga dhigay Madaxweyne ku xigeenka JSL oo qabilsanaan doonaa ololaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga UDUB.
Sidaana waxa lagu shaaciyey war-saxaafadeed uu ka saxeexan Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadddaabi Mooge, kaas oo lagu faahfaahiyey sababta uu Madaxweynuhu u magacaabay guddidaas.
War-saxaafadeedkaas oo dhamaytiranina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maanta MagacaabayGuddi loo Xilsaaray Hawlaha Dar-dargelinta Doorashooyinka Madaxtooyadda eeXisbiga UDUB. Oo uu Gudoomiye u noqondoono Madaxweyne Ku Xigeenka JSL.Mudane, Ahmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, go’aankaasi uu kuMagacaabay Guddiga Abaabulka Doorashooyinka Madaxtooyadda ee Xisbiga UDUB,waxaa u ku sheegay in iyada oo Maalmo koobani ay ka hadhsantahay OlalihiiDoorashooyinka Madaxtooyadda in ay lagama Maarmaantahay in la SameeyoGuddi ka hawlgasha Ololaha Doorashooyinkaasi ee Xisbiga UDUB.

Guddidaasi oo uu Guddoomiye u noqondoono Madaxweyne Ku Xigeenka MudaneAhmed Yuusuf Yaasiin, Ku Xigeenkiisana uu noqondoono Xog-hayaha Guud eeXisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax, waxaa ay ka Masuul NoqondoonaanArrimaha ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga oo Maalmo yari ka hadhsanyihiinwakhtigii la bilaabi lahaa. Waxaa kale oo Madaxweynuhu uu amar ku bixiyey in iyana ay sida ugudhakhsaha badan uga hawl gelidoonaan dhamaan Xubnaha sar-sare ee XisbigaUDUB Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan wakhtiga la bilaabo ololahaDoorashooyinka.”

mardi 25 mai 2010

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid ayaa Shir ku Qabtay Waqooyiga London





London(DigaaleNews)- Xisbiga Daryeelka iyo Caddaalada ee UCID ayaa shalay 23/05/2010 shir ay ku soo dhawaynayeen xubno cusub oo ku soo biiray ku qabsaday Xaafadda Edmonton eek u taala waqooyiga London.


Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayna soo qabanqaabiyee Maxamed Xasan Jafal iyo Cabdiraxmaan Qaalib waxa ugu horeyn aayado Qur’aan ah ku furay Siciid Yuusuf Meygaag Samatar oo ka mid ahaa xubnihii ku soo biiray xisbiga.


Waxa isna hadal dheer halkaa ka jeediyay Ibrahim Rashiid, Guddoomiya UCID ee UK. Wuxuuna Illaahay ka baryay doorasho fiican iyo isbedal khayr qaba. Waxa kale oo uu ammaan u soo jeediaya Komishanka Doorashooyinka oo ilaa hadda si fiican hawshoodii u wada. Wuxuu xubnahana cusub kula dardaarmay inay xisbiga taageero, maal, muruq iyo maskax ahba u huraan, wuxuuna qurba jooga kula dardaarmay inay doorshada uga qayb galaan si toos ah iyo si dadbanba, isagoo hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay in la xagga dhaqaalaha laga xoojiyo xisbiyada si ay u noqdaan kuwa waara oo aan sidii SNL baabi’in gaar ahaan Xisbiga UCID oo ay ku jirto badbaadada dalku.


Wuxuu sheegay in Dawlada maanta jirtaa ay tahay mid daashay, fikirkii iyo taladiina ka dhamaatay loona baahan yahay in la bedalo, Xisbiga Kulmiye-na aanu keeni karin

isbedalka loo baahan yahay maadaama ay ka buuxaan wasiiradii dawladihii hore iyo kuwii UDUB, hoggaanka xisbiguna uu wakhti dheer ku soo jiray siyaasada loona baahan yahay in la nasiyo. Waxa loo baahan yahay buu yidhi si loo helo isbedal dhab, jiil cusub, fakir cusub iyo siyaasad casri oo intaba laga helayo Xisbiga UCID.


Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Siciid Cumar, Guddoomiyaha Xisbiga ee Qaarada Yurub oo sheegay in xibiga UCID uu yahay xisbi had iyo jeer taageera dadka danyarta ah iyo ururada rayidka bulshada sida kuwa saxaafada, ardayda. Wuxuuna sheegay in UCID yahay xisbiga keli ah ee isbedal keeni kara sababtoo ah waa xisbigii dhalinta iyo jiilka cusub. Wuxuu kale oo uu soo dhaweeyay bayaankii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu soo saaray dhawaan ee ahaa in uu dalka ku xukumi doono Shareecada Islaamka oo ahaa go’aan geesinimo iyo iimaan leh wakhti ay siyaasiyiinteenu calmaaniyada ka boorbidaan diinta. Waxa kale oo uu sheegay in Faysal Cali Waraabe yahay musharaxa keliya ee si cad u yidhi “Illaahow igu guulee doorashada haddii aan ummada khayr u leeyahay haddii kalena qofkii khayr u leh ku guulee”


Rashiid Cali Maygaag Samatar oo loo magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Waqooyiga London (North London) ayaa codsaday in Illaahay looga baryo inuu u fududeeyo xilka loo magacaabay.


Isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi “ Xibiga umaan soo gelin in adeerkay Cumar Maygaag Samatar (AHUN) uu ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga UCID balse ay I soo jiidatay xisbiga oo ah mid mar walba u taagan maslaxada iyo danta guud ee ummada iyo barnaamijka xisbiga oo aan aad ula dhacay iyo weliba Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe oo Somaliland-nimadu ka dhab tahay. Farduus Cismaas, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolada Bariga oo dhawaan dalkii ka soo noqotay ayaa sheegtay in dalka xaalad adag ku jiro, gaar ahaan hooyooyinka iyo dhallaanka waxayna ku tilmaantay wax laga xummaado in wasiiradeena iyo carruurtoodu ay ku noolaadaan nolol laydhka, biyaha, tilifoonada iyo faakahaysi badani bilaash u yihiin halkan dadkii soo halgamay, iyo ubdakiina ay gaajo la il daran yihiin. Waxay tilmaantay in Faysal Cali Waraabe yahay musharaxa keliya ee soo booqda kana war haya, xarrumaha agoomaha, bukaanka, suuqyada wadhatooyinka, waana shakhsi daacad ah oo runta sheega, afkiisa iyo uurkiisu is leeyihiin wakhti ay siyaasadu noqotay been sheeg. Waxa kale oo ka hadlay Maxamed Iidle iyo Baashe. Dr. Abokor Cige ayaana duco ku soo khatimay shirka.


Shirkii wuxu ku dhamaaday guul.



Allaa mahadleh


Xisbiga Caddaalada & Daryeelka (Welfare And Justice Party).

Xisbiga Meles Oo ku Horeeya Doorashooyinka Itoobiya




Itoobiya-(DigaaleNews)-Wararka ka imaanaya dalkaasi Itobiya ee ku aadan doorashooyinka halkaasi ka socda ayaa sheegaya in xisbiga ra`iisal wasaaraha iminka talada haya ee Meles Zanawi "Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front (EPRDF)" ay ku horeeyaan codadka doorashiiyinka, gobol walba oo dalkaasi ka tirsan.

Warkan ayaa waxaa sheegay masuul ka tirsan gudiga doorashiiyinka, waxaana uu intaaso raaciyay in doorashadu u dhacday qaab daggan oo nabad ah inkastoo buu yiri ay jiraan eedeymo isdaba-marin codad ah oo lasoo sheegayo islamarkaana ay baarayaan gudiga doorashooyinka.

Hey`adda ilaalisa xuquuqda Aadanaha Human Rights Watch ayaa iyadu eedeysay doorashooyinka ka soconaya Itobiya, waxaana ay ku eedeysay in ay tahay mid ay awood weyni ku leedahay xukuumadda iminka talada dalka haysa ee uu hogaamiyo ra`iisal wasaare Meles Zanaawi.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladdu waday bilooyin ka hor inta aysan doorashooyinku bilaaban olole ay ku "cadaadineysa uguna hanjabeyso" dadka Itobiyanka ah ee iyagu wax dooranaya.

Doorashadii ugu dambeysay ee Itobiya ka dhacdo ayaa waxaa la qabtay sanadkii 2005-tii, waxaana rabshado ka dhashay doorashadaasi ay galaafteen nolosha dad badan oo Itoobiyaan ah iyadoona ay ku dhaawacmeen boqolaal dad ah.

Natiijada dhabta ah wali laguma dhawaaqin, waxaana socda wali tirinta cododka iyadoona ay dalkaasi goobjoog yihiin gudi ka socda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub kuwaasoo ilaalinaya qaabka ay u dhaceyso doorashada.

Mr. Meles ayaa xukunka dalkaasi qabsaday sanadkii 1991-dii, kadib markii ay jabhadiisu afgambi ku sameeyeen xukuumadii xilligaasi ee Mingistu, iyagoo ka helayay taageero maleteri, dhaqaale iyo mid xarunba xukuumadii Soomaaliya ee uu hogaaminayay marxuum Maxamed Siyaad Barre.

lundi 24 mai 2010

Daawo Maqal iyo Muuqaal Wararkii u danbeeyay BurcoWasiirka Gaashaandhiga oo Xadhiga ka jaray Dhismayaal Cusub oo lagu kordiya Taliska Ciidanka Qaranka

Raggii Cigaal ka hor yimi Inkaartiisii baa ku dhacday oo kuligood Daamur baa marsan”W/ maaliyada




Wasiir Cawil oo ka hadlay xigmada 2003 UDUB kaga badisay Mucaaradka




Hargeysa(Digaalenews)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay inay ka guulaysan doonaan xisbiyada Mucaaradka marka la gaadho doorashada Madaxtinimada ee qabsoomideeda la filayo.

Wasiir Cawil oo doraad hadal dheer ka jeediyay munaasibad xisbiga UDUB ku qabsaday degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, waxa uu dadweynaha gobolka Saaxil kula taliyay in aanay ka hadhin murashax uu sheegay in maamuuskii Madaxweyne Cigaal lagu siiyay. “Barigii aanu inqilaabka samaynay, Maxamed Cabdiraxmaan (Lugooyo) oo ka mid ahaa saraakiishii inqilaabka nala samaysay waxaan had iyo jeer idhaahdaa meelo badana aan ka idhi dadka degan Sheekh, marka dhinaca SNM la eego gobanimada kaw bay ka noqonayaan. Waxaan idhaahdaa nin madax ah ayaa ka soo baxay (AHN) Maxamed X. Ibraahim Cigaal 50 sanadood ayey la socdeen oo aanay kelmad kala hor iman, waa gobanimo, beelaheena kale la heli maayo reer sanad ninkooda u dulqaadanaya. Marxuumkii nin aad u culus buu ahaa, boqol qof oo isku jira ayuu ahaa, lixdankii bay umaddeenu tukhaantukhisay, keligii buu noqday. Alle haw naxariistee wuxuu igu yidhi ‘waxaan waayey qof qudha oo ii hiiliya oo yidhaahda dawladnimadaa aynu haysano calan buu Illaahay ina siiyey, sharaf buu ina siiiyey, Xamar buu geeyey maxaynu dhaxalnay? Karbaash, madfac, burbur, waad aragteen isaga oo aan tin qudhii caddaan ayuu madax inoo noqday oo wixii dhib soo maray aanay ka muuqan. Dawladnimadaa aynu maanta wadno seeskeedii isagaa dhigay, isagaa ina kala maslaxay, ina kala laaluushay ina kala dejiyey, nidaam inoo dhisay, maamul inoo dhisay, hubkii dadka ka qaaday oo ciidanka ku wareejiyey. Raggii ka hor yimi haddii aad u wada fiirsataan inkaartiisii baa ku dhacday oo kuligood Daamur baa marsan, intii dhibtay wuu inkaaray dalkana waxba ka noqon maayaan, magac kasta ha sheegto, wax allaale waxay dalkan ka noqonayaan ma jirto. Xisbiga UDUB ayuu sameeyey oo umaddeenaa Laas-qoray ilaa Lawyacado ay ku jiraan, waa Xisbigaa umaddan hagaya ee markaad u fiirsato doorashadii hore 80 baanu kaga helnay, wax sahlan maaha qolada Mucaaradku qoob iyo qaylo ayey isku dareen, lacag baa meel walba laga keenay, waxa meesha taalay ducadii Marxuumka. Waan aaminsanahay markana waligoodba ha qayliyeen, waanu ka guulaysanaynaa waa hubaal,” ayuu yidhi Cawil Cali Ducaale. “Dalkan ciidan baanu u dhisanay, ciidankeenii waakaa halkaa maraya, waakaa xuduudii ku socda, waa ciidan dawlada UDUB ay dhistay, inaad xisbigiina ku faantaan weeye, inaad tidhaahdaan waa xisbigii marxuumku dhisay ee uu aasaasay ee uu calaamada u sameeyey ee uu magaca u bixiyey,” ayuu raaciyay.

Wasiirku waxa uu shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ku sababeeyay dhaqaale-xumida dalka, maadaama aanu sida uu xusay jirin cid mucaawimo siisa Somaliland. “Wasiirka Maaliyada ayaan ahay, wixii dakhliya ee ina soo gala markaan eego waxay dhaafi wayday ciidankii oo tirada uu hadda marayo aan la sheegi karin inta uu yahay hubkiisii, rasaastiisii, baatroolkiisii iyo mushaharkiisii oo aanu ku dedaalno askariga xuduuda jooga in raashinkiisa iyo mushaharkiisa uu bisha 30-keeda helo, wax kasta oo ina soo galena waxa ka weyn baahidii ciidan iyo tii dawladeed. Waxay noqotay inaynu ciidamada ka dhigno bar-tilmaameedka koowaad wixii inoo soo hadha markaa la qaybsado, Wasaarad qudha kuma filna Miisaaniyadeenu, adduunka waxba kama helno, mucaawinooyin la inama siiyo, go’doon baa la ina galiyey, haddana wataa dawladnimadeenii inoo socota ee ciidan inoo dhisan yahay ee nabada haysana,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in dadka gobolka Saaxil looga baahan yahay inay taageeraan xisbiga talada dalka haya ee UDUB, maadaama ay murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenku ka soo jeedo gobolkaas. “Saaxil maanta waxay leedahay Madaxweyne ku-xigeen, Madaxtooyadu waa Madaxweyne iyo ku-xigeen, waa inaad ogaataan Saaxil sharftii bay leedahay, ku-xigeenka waxay ku heleen marxuumka taariikhdiisii iyo ducadiisii meel Saaxil wax kale u yaalaan ma jirto gobolka sharaf baa deeqda, cuno ma deeqi karto. Maanta Madaxweyne ku-xigeenkii baad leedihiin, inaad maanta taa u dedaashaan oo ninka haddii ay dooran waayaan reerkiisu marka uu murashaxa yahay wuu hagaasaa, maanta waa inaad heegan u noqotaan codka siisaan Madaxweyne ku-xigeenka la safataan, dawlada la safataan,” ayuu yidhi Wasiirku.

Daawo Maqal iyo Muuqaal Taageerayasha ku soo biiray Kulmiye

Xisbiga kulmiye ayaa xaflad soo dhaweyana u sameyey tageerayaal ku soo biiray xisbigooda


Burco(DigNews)Xisbiga kulmiye ayaa xaflad soo dhaweyana u sameyey tageerayaal ku soo biiray xisbigooda .tageerayaashan oo ka kooban dhalin yaro iyo haween ayaa isugu jiray ku iskood ugusoo biiray xibiga kulmiye iyo ku sheegay in ay ka soo diga rogteen xisba talda dalka haya ee udub.
Xafladani soo dhaweynt ee loo sameyey taageerayaashan ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo kamida xisbigaasi.
Muunasibadan ayaa waxaa hadal ka jediyey af hayeenka xibiga kulmiye muj maxamed kaahin Axmed , soona dhaweyey tageerayaashan ku soo biiray xisbigooda, muj maxamed kaahin ayaa sheegay in wadanku marayo xaalad kala wareega sidaasi awgeedna loo bahaan yahay inaad ahaatan ku feejigan oo ka shaqeeya sidii ay doorasho xor oo xaali u qabsoomi lahayd ,mujaahidka ayaa sheegay in hadii talada dalka ay ku guleystaan aanu wadanu noqoneyn mid koota ku jira dad kooban ee u ahaan doono mid fur furan oo ka shaqeeya hour marka dadka iyo dalka , waxaa u intaasi ku darayaf hayenka xibigu in ay haneynayaan soona dhaweyanayaan hadii lagaga guuleysto hogaanka dalka.
Sido kale waxaa isaguna halkaasi ka hadaly Dr; Cabbdi Aw daahir, una mahad naqay tageerayaashan sheegayna In mar walba ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ku soo biirta xisbigooda . Dr ka ayaa shegay in xisbi ahaan ka shaqeynayaan sidii ay u kasban lahaayeen taageerada shacbiga halka bu yidhi xukumada iyo xisbiga udub ku howlan yihiin kala qoqobida shacabka iyo uruursiga kaadhka cusub codbixinta.
Waxaa isna halkaasi ka had lay xildhibaan jaamac xasan Aadan oo sheegayn dadku kala dooranayaan sadex xisbi , waxaa la kala dooranayaana ay tahay maamul wanaag xisbiga kumiyana u balan qaadayo in u la dagaalami doona musiqa furina doono ganacsiga kootada ku jira.
Waxaa kale oo yaguna halkaasi ka hadlay xubno sheegay inay ka soo digo rogteen xisbiga talada haya ee udub , kuna soo biiren xibisgan kulmiye marwao xaali Cali Aadan oo kamida xunahaasi ayaa sheegtay in mudo 7 sano ah ay kamid aheyd xisbiga udub in tii ay xibigasii ka mid aheydna aany jirin wax alle iyo wax hour mar ah oo ka faa’iday aan aheyn dib u socod, maantana ay ka mid noqtay xisbiga mucaaradka ee kulmie,

Gudoomiya xibiga kulmiye ee G/togdheer Md sahaa iyo masuliyiinkale oo xisbigaasi ka mida ayaa hadlo soo dhaweyna halkaasi ka yidhi tagerayaasha ku soo biiray xibigooda.

Mudooyinkan dabe ayaa waxaa isi soo taraya taageerayaasha loo yaqaan kuwa guur guura ee hadaba xisbi ku biira sadexda xibi qaran ,yado ay mudo yari ka hadhay qabsomidi doorashada ila hadana aan la garan kareyn halka ay sal dhigi doonaan
Wararka Burco DigNews

Xildhibaan Cali Mareexan Ayaa Wasiiro Kamida Xukuma Ku Edeyey Inay Ka Shaqeynayeyn Kuna Howlanaayeen Carqaladeynta Qaadashada Kaadhadhka Cusub.



Burco(Digaale News)Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo ka mid ahaa xildhibaanadii laga soo doortay degaanadda Togbdheer, oo mudadii qaadashada kaadhadhka cusub ka socotay gobolka safari ku kala bixinaayey goobaha howshani ka socotay gaar ahaan dhinaca bariga ayaa sheegay inay si wanaagasan oo nabad galyo leh ku dhamaatay hawlihii badalaada kaadhadhka.
Waxaa xildhibaan cali marexaan u mahad celiyey gudiga kumishanka dooroshiyinka qaranka oo u ku tilmaamay inay yihiin kuwo si hufan u maamulay howshii qaadashada kaadhadhka hasayeeshe waxuu u soo jediyey komishanka in looga bahaan yahay in ay soo saaran natiijada hordhaca ah ee tirada dadka qaatay kaadhadhka cusub ee codbixinta doorashooyinka.
Xildhibaan Cali Mareexaan waxaa uu dhaliilay waftigii xukuumadda ka socday ee yimi gobolka Togdheer gaar ahaan kuii marayey degaanadda bariga oo ku titlmaamay inay ka shaqeynayeen carqaladeynta iyo wax yeleynta howlaha qaadashada kaadhka cusub, halka aanu anagu ku bara rujinay nay kuna wacyi galineynay bulshada in ay qaatan kaadhadhka codbixinta.
Waxaa u xildhibaanku u soo jediyey bulshada Togdheer in la gaadhay wakhtigii ay bulshadu ku ciil bixi jirtay codkooda isla markaana loo baahan yahay in aad si wanaagsan ugu diyaar garowdaan doorashadda madax tooyada ee wakhtiga yari ka hadhay.
Xildhibaan Cali mareexaan ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii sida weyn ugu wacyi galinaayey bulshada in ay qaataan kaadhadhka cusub kuna wareegayey degaanka Togdheer.
DigaNews

Shariif oo dib ugu laabtay Muqdisho.



Muqdisho:(DigaaleNews)- Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka ka dagey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kasoo noqday shirkii caalamiga ahaa ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka turkiga oo socday 21-23 bishan.

Madaxweynaha ayaa saaka diyaaraddii waday ay soo cagadhigatay garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde isagoo horkacaya wafdigii kulankaasi ka qeybgalkiisa ku weheliyay oo ay kamid ahaayeen tiro wasiiro ah oo uu uu ku jirey wasiirka arimaha dibedda ee Dawaldda KMG ah ee Soomaaliya Cali Jaamac Jangali.

Ciidamada DFKMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee Amisom ayaa si aada u adkeeyay ammaanka guud ee wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa garoonka Aadan Cadde, iyadoo sidoo kalan aysan garoonka ka dhicin duqeymihii inta badan ay kooxaha mucaaradku ku weerari jireen garoonka diyaaradaha marka ay inta badan dhoofayaan amaba ay soo dagayaan madaxda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya
DigNews

vendredi 21 mai 2010

Ciidamo Itobiyan ah oo lagu dilay Buuhoodle


Laascaanood -Digaalenews-Wararka ka imaanaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in ay maanta halkaasi ka dheceen iska horimaad u dhexeeya ciidamo Itoobiyaan ah iyo dadka deegaanka oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidanka Itoobiya iyo toban Soomaali ah.

In ka badan todobaad ayaa la sheegayaa in ay ciidamo itaabiyaan ahi ku sugnaayeen qeyb ka mid ah magaalada, halkaasoo ay ku xanibayeen gawaari isugu jira xamuul iyo rakaab oo ay soomaali leedahay.

Wadahadal ayaa la sheegay in uu u socday ciidamad aItobiyan ee soo galay magaalada Buuhoodle iyo odayaal dhaqameedyo kuwaasoo ku howlanaa sii deynta gawaarida iyo sii ay uga bixi lahaayeen ciidamada dhulkaasi.

Ma cada wali sida ay xabaduu ku bilaabatay, waxaana ku dhaawacmay dagaaladii maanta in ka badan 22-ruux oo Soomaali ah.
Digaale News

Wadaad 4-xaasle ah oo dhagan yahay Faransiiska







Paris, France-Digaale news-Waayadan dambe ayaa waxaa ka socday dalka Fransiiska dhaq-dhaqaaqyo lagu mamnuucayo xirashada Niqaabka ay dumarku ku asturtaan jirkooda, kuwaasoo ka careysiiyay shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan qaaradda Yurub, gaar ahaan dalkaasi Fransiiska.

Hadaba iyadoo ay dhaq-dhaqaaqyadaasi socdaan ayaa waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah ay booliska magaalada Nantes ee bariga dalkaasi Fransiiska ay istaajiyeen gaari ay waday haweeney 31-jir ah taasoo iyadu xirneyd Niqaabka islamarkaana ay u banaanaayeen oo kaliya indhaha.

Booliska ayaa ganaax lacageed u dhiibay haweeneydan, waxayna ganaaxaasi ay sabab uga dhigeen in ay halis ku tahay isu socodka baabuurta ama waxa loo yaqaan Trafikada.

Haweeneydan oo ku tilmaamntay ganaaxii la siiyay mid sharci darro ah ayaa waxaa ay maxkamad la tiigsatay booliskii ganaaxa u jaray, balse waxaa ay dhibaato ka weyn tan ganaaxa ay usoo jiiday ninkeeda oo isagu ku qabay dalka Fransiiska afar xaas, taasoo dalkaasi ka ah mid sharci darro ah.

Baaritaan lagu sameeyay haweeneydan ayaa waxaa kusoo baxday in ay tahay mid ka mid ah afarta xaas ee wadaadka Lies Hebbadj oo isagu ah nin caan ka ah magaalada Nantes islamarkaana qala hilbaha xalaasha ah.

Lies Hebbadj oo isna kiis cusub looga bilaabay maxkamadda ayaa wax laga weydiiyay afarta xaas ee uu qabo, waxaana uu sheegay in uusan qabin afar xaas, balse mid qura, iyadoona sadexda kale uu ku sheegay "Amoorayaal" amaba saaxiibo "Girl friend" islamarkaana uu afartoodaba ka wada dhalay caruur gaareysa marka la isku daro 12-ciyaal.


"- Sidaan ogahay "saaxiibada" ama "girl friend-ku" ma ahan wax ka mamnuuc ah Fransiiska, sidoo kale ma ahan wax Islaamka ka mamnuuc ah, laga yaabe in diinta Kristaanku ka mamnuuc tahay", ayuu yiri Lies Hebbadj mar uu u waramayay saxaafadda.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay dhaqaalaha ay dowladdu ka lunsadeen afartiisa xaas kuwaasoo dowladda ugu diiwaan gashan qaab hooyo kaliya "Single Mother", wuxuuna sheegay in ay xaq u lee yihiin in ay caawimaad ka helaan dowladda.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Fransiiska Brice Hortefeux ayaa isagu ku doodaya in Lies laga qaado sharciga uu ku leeyahay dalka islamarkaana la masaafuriyo maadaama ay ku xadgudbeen sharciga islamarkaana ay xaasaskiisu dheceen hantida dowladda.

Qareen u hadlay wadaadkan ayaa sheegay in Lies uu qaabkan wax u qabay mudo ka badan 10-sano, waxaana uu sheegay in aaney habooneyn in iminka lagu doodo in sharciga laga qaado.

"- Hadiiba sharciga lagu weynayo in saaxiib la yeesho oo ilmo laga dhalo, muwaadiniin badan oo fransiis ah ayaa sharcigooda weyn lahaa", ayuu yiri Lies mar ay warfidiyeenadu wax ka weydiiyeen waxa uu ka qabo weynta sharcigiisa.

Ganaaxii niqaabka ayaa halkiisii lagu ilaabay, waxaana saxaafadda iyo dowladduba ay xoogga saareen dabagalka iyo kiiska cusub ee wadaadkan, afartiisa xaas iyo waliba dhaqaalaha ay ka lunsadeen dowladda.

1945-tii ayay aheyd markii laga mamnuucay dalka Fransiiska in la guursado wax ka badan hal xaas, waxaana baaritaan hoose oo ay sameysay hey`adda wax baarta ee Montaigne ku sheegtay warbixinteeda in ay ka jiraan dalka Fransiiska in ka badan 20-kun oo qoys kuwaasoo xaasas kale lala qabo.

Mamnuucida Niqaabka ayaa waxaa iminka ku dhaqaaqaya dowlado kale oo Yurubta ka tirsan oo ay ka mid tahay bilgumka.

jeudi 20 mai 2010

Doomo ay leeyihiin burcad badeeda oo la burburiyay




Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamadda Badda ee Midowga Yurub ayaa burburiyay laba Doon oo looga shakiyay in ay leeyihiin qaar ka mida Burcad Badeed Soomaali ah.

DigaaleNews-Markabka dagaal ee lagu magaacbo HMS Chatman oo qeyb ka ah Maraakiibta dagaal ee beesha caalamku ay leedahay ee ka howlgalaya badweynta Hindiya iyo gacanka cadmeed ee dagaalka kula jira kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowleysata Badda ayaa burburiyay laba doon.

Wakaalada wararaka ee dalka Shiinaha Xinhua ayaa sheegeysa in Howlgalkaasi Ciidamadda Badda ee midowga Yurub uu qeyb ka yahay qorshaha ay beesha caalamka ku dooneyso inay ku soo celiso amniga xeebta dheer ee Soomaaliya oo ay ku adkaatay maraakiibta caalamiga ah in ay si nabad galyo ah ku maraan.

Howlgalkaasi waxa uu dhacay laba todobaad kadib markii la burburiyay laba doon oo Burcad Badeeda Soomalida ka mid ah isla markanaa laga badbaadiyay 15 Shaqaale ah oo saarnaa Markab ay Burcadu afduubatay markii Maraakiibta dagaalku ay eryanayeen Burcadaasi muddo 3 maalmood ah

DigaaleNews- Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xornimada iyo Qarannimadda Jamhuuriyada Kosovo , sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibbedda ee Kosovo.

Qoraal diblomaasiyadeed ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibbeda ee Kosovo ayaa lagu cadeeyay in wasaaradda arrimaha dibbada ee Soomaaliya ay xaqiijisay go’aanka ay dowladda Jamhuuriyada Soomaaliya ku aqoonsatay xornimadda iyo Qarannimadda Jamhuuriyadda Kosovo.

Qoraalka diblomaasiyadeed ayaa daba socda go’aan horey oo codsi aqoonsi rasmi ah oo uu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kosovo Fatmir Sejdui .

Jamhuuriayadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dareensan tahay sida ay lagama maarmaan u tahay taageeradda Jamhuuriyada Kosovo ee xasiloonida iyo nabad ku wada noolaanshaha wadamadda Balkaniska leysku yiraahdo sida lagu shaaciyay warbixinta jamhuuriyadda Kosovo.